Maxkamadda Sare waxay soo saartay go’aan sababaya in ay sii kala lushaan garabyadii UCID laakiin u muuqda in uu awood-geliyey Guddoomiyaha UCID

 

Maxkamadda Sare ayaa waxay maanta ku dhawaaqay go’aankii maalmahanba la sugayay ee ku saabsanaa dacwada labada garab ee uu u kala jabay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

In kastoo aanu wax badan kaga duwanayn kii ay soo saareen guddida diiwaangelintu haddana garyaqaano uu Bandhige la xidhiidhay oo uu wax ka weydiiyey sida ay u arakaan cidda uu go’aankani badhitaaray waxay tibaaxeen in uu dib-u-dhac ku yahay murashaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen kadib markii uu go’aanku muhmal geliyey heshiiskii ay labada dhinac wada saxeexdeen 2012-kii kaas oo aan ansax ahayn ilaa shirweynuhu ansixiyo laakiin uu murashax Jamaal ku doodayey in uu ansax yahay.

Sidoo kale maxkamaddu waxay burisay qodobka saddexaad ee Guddidii Diiwaangelinta kaas oo tibaaxayey in ergada shirka ay labada garab si is leeg u soo xulaan kaas oo hadda lagu beddelay in loo raaco xeerka u yaal xisbiga, sidoo kale qodobkaasi wuxu tibaaxayey in kharashka ku baxaya shirka si is leeg loo qaybsado.

Go’aamadan ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo ay hareero fadhiyaan garsoorayaasha Maxkamadda Sare.

Waxaana goob joog ka ahaa labada garab ee dacwadu ka dhaxayso oo ay kala hoggaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID Fayal Cali Waraabe iyo Musharax jagada madaxwayne ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen.

Qodobada ay maxkamadu ku dhawaaqdayna waxay kala ahaayeen sidan-

Maxkamaddu waxay:

  • Burisay qodobka saddexaad ee go’aankii Guddida Diwaangelinta
  • Wax ka beddeshay qodobka koowaad iyo labaad
  • Go’aamisay in shirwaynaha Xisbiga UCID lagu qabto muddo  lixdan cisho ah.
  • Go’aamisay in guDdida qaban qaabada oo ka kooban toban xubnood loo qaybsado si isleeg (shan iyo shan).
  • Go’aamisay in Ergada shirweynaha loo soo xulo sida xeerka xisbiga dhigayo.
  • Go’aamisay in heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena waxa uu ansax noqonayaa marka la qabto shirwaynaha xisbiga.
  • Go’aanka ugu dambeeya waxaa iska yeelanaya hoggaanka xisbiga.

Faysal Cali Waraabe ayaa ku macneeyey go’aanka soo baxay in uu yahay guul u soo hoyatay qaranka Somaliland oo dhan dhanka kalena Cali Gurey oo u hadlay garabka murashaxa ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda.

Hoos ka akhri warbixino hore oo warkan la xidhiidha:

Guddiga Diwaangelinta Ururaradu waxay go’aan ka gaadheen dacwadii xisbiga UCID

Faallo: Jamaal iyo Faysal iyamaa dhab ahaan murashax u ah UCID?

Hoos ka daawo go’aanka Maxkamadda Sare oo muuqaal ah: 

 

https://www.youtube.com/watch?v=pNypXXctZoM

bandhige@gmail.com