Mid ka mid ah mujaahidiintii SNM ayaaMadaxweynaha ugu baaqay in uu wax ka qabto musuq-maasuq hadheeyey mashaariicda Bangiga Adduunka

Mujaahid Yuusuf Jaamac Maxamed oo ka mid ah Saraakiishii kooxdii Dhaqdhaqaaqa Ururka Waddaniga Somaliland ee SNM ayaa ka hadlay, isla markaan debadda u soo saaray xaalado huursan oo musuq-maasuq eex iyo dhac oo hadheeyey mashaariicda World Bank oo loogu talo galay in wax loogu qabto Saraakiishii Halganka, waxaana uu soo jeediyay in waxan uu ka hadlayaa ay ka mid yihiin wixii Siilaanyo ka dagaalamay, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Qof walba qofkii dulmiya ayaa Siyaad Barre iyo Fircoonba kaga daran.”

Mujaahid Yuusuf Caqaar waxaa uu sidoo kale baaq u diray Madaxweynaha Somaliland oo uu ka codsaday in uu wax ka qabto musuqmaasuqa ka socda mashaariicda WORLD BANK ee laga wado Somaliland taasi oo ka fog cadaalada waxaana uu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaya:

“ Mudane Madaxweyne Anaga oo ku hadlayna magaca Mujaahidiintii SNM, waxaanu soo qoranay hal Mashruuc oo aanu usoo qoranay World Bank sannadkii 2013kii, Kaasi oo ka mid ahaa Mashaariicdii aad saxeexday sannadkii 2014kii, kuwaasi oo laga fulinayay Saddexda gobol ee Sanaag, Sool Iyo Saraar, hadaba Mudane Madaxweyne wixii kale waa la sii daayay anaguse waxba ma hayno oo waa naloo diiday, waxaanuna warwareegaynaa Madaxtooyadda horteeda, taasi ayaana nagu kaliftay in aanu Warbaahinta soo gaadhsiino. Haddaba Mudane Madaxweyne Adiga oo ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM, haddana ah Madaxweynaha Somaliland waa noo ayaandaro in hoostaada nalagu dulmiyo, sidaa darteed waxaanu Madaxweyne kaa codsanaynaa inaad naga qabatid oo naga soo gaadhid Wasaaradda Qorshaynta iyo kooxda World Bank oo noo shuraakoobay, waayo waxaanu Soo diyaarsanay ee aad adigu gacantaada noogu Saxeexday ayaanu laanahay wax kaleba iska daaye.”

Ugu danbayntii Mudane Madaxweyne Adiga ayaanu kaa war sugaynaa waxaanuna leenahay Qof walba qofkii dulmiya ayaa Siyaad Barre kaga daran, waayo dulmigu waa kii aad nagu hoggaaminaysay in aanu ka dagaalano, tay tahay ayay tagi.

Wabilaahi Tawfiiq.