Mo Faarax wuxuu xalay taariikhda ku galay ciyaaryahankii in uu noqday ciyaaryahankii ugu guusha badnaa taariikhda orodyahannada Ingiriiska kadib markii uu difaacday tartanka 5000 ee mitir, isaga oo toddobaad ka horna difaacday tartanka orodka ee 10000 ee mitir kuwaas oo uu ku guulaystay ciyaarihii olombikada ee ku qabsoomay Ingiriiska 2012-kii.
Mo Faarax wuxuu orodkiisa 5000 ee mitir ku dhammays tirayย Farah 13 daqiiqo iyo 3.3 ilbidhiqsi. Markii uu warbaahinta la hadlay wuxu yidhi:
“Tani waxay muujinaysaa in aanan London oo kali ah ku guulaysan laakiin aan halkan Rio iyadana ku guuleystay. Markii aan shanta kun orday lugahaygu way daaleen, ma garanayo goor ay soo kabteen”
Mo Faarax wuxu kale oo noqday ninkii labaad ee taariikhda ciyaaraha dunida ku guulaysta laba jeer baratanka 5000 ee mitir iyo 10000 ee mitir iyadoo uu hore rikoodhkan u dhigay ciyaaryahankii Findland u dhashay eeย Lasse Viren oo olombikadii 1972 iyo 1976 ku guulaystay 5000 ee mitir iyo 10000 ee mitir.
Mo Faarax wuxu noqday orodyahan markii sagaalaad ku guulaystay tartan caalami ah, wuxuna jabiyey rikoodh uu hore u dhigay ciyaaryahanka weyn ee Itoobiyaanka ah Kenenisa Bekele.
“Mo Faarax weligii muu rumaysan in laga badan karin. Wuxu aaminsan yahay in aanay jirin sabab uu u rumaysan karo in laga badin karo” sidaa waxa yidhi Denise Lewis oo BBC-da uga warrama arrimaha ciyaaraha.