Saraakiil xagga ammaanka ah ooku sugan Turkiga ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen, in ka badan 90-na way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob ay ka socotay xaflad aroos.
Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada ku taalla koofur bari dalkaasi ee Gaziantep.
Ku-xigeenka Raysal-wsaaraha Turkiga, Mehmet Simsek, wuxuu sheegay in ay u muuqato in weerarka uu qaaday qof is qarxiyey, wuxuuna ku tilmaamay weerar fulaynimo ah.
Waxaa la tuhunsanyahay in weerarkaasi ay gaystay kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka.
Weerarada la beegsado Turkiga ayaa waxay noqdeen qaar lagu bartilmaameedsado goobaha bulshadu ku badan tahay.