Mucaaridku waxay mowqif kala fog ka istaageen go’aankii Madaxweynuhu ku kala qaaday doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda

Labada xisbi Mucaaridk ee UCID iyo Waddani ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aanka madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanu jirin meel ay Xisbiyo ahaan ka maraan go’aanka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo maanta soo saaray ee uu ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiillada oo hore Golayaasha Sharci-dejinta, Madaxweynaha, Madaxda Xisbiyada iyo Maxkamadda Sare u go’aamiyeen in ay mar wada qabsoomaan 27-ka Maaraj 2017-ka.

Balse Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in go’aankaas meel ay ka maraan jirin maaddaama oo ay hore Madaxweynaha kalsooni saxeex ah ugu siiyeen in uu go’aaan ka soo gaadho saamiga kuraasta Golaha Wakiillada ay gobolladu ka kala helayaan, isla markaana ay ballan-qaad iyo saxeexaba Madaxweynaha ku siiyeen in ay u hoggaansami doonaan go’aan kasta oo uu arrintaas saamiga ku xalliyo. Hase-yeeshee, waxa uu sheegay inay UCID ahaan shuruudo ku xidhayaan aqbalidda go’aanka Madaxweyne Siilaanyo soo saaray Sabtidii shalay oo ku beegan maalintii uu Digreetada ku soo saaray in ay hal maalin wada qabsoomaan doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiillada oo labadoodaba muddo-kordhin loo sameeyey.

Hase-yeeshee, go’aankan uu Faysal Cali Waraabe sheegay in ay aqbaleen, waxaa Qaaddacay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu Xoghayaha guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, sheegay in aanay Madaxweynaha Muddo-kordhin, Guddi magacaabid iyo doorashooyinka oo la kala qaado u diran, balse laga sugayey in uu go’aan ka soo saaro saamiga kuraasta golaha Wakiillada ee gobollada dalka oo qaarkood cabasho xooggani ka taagnayd. Faysal isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi:

 “Arrintan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilalda muran weyn baa ka jira oo waa lagu kala qaybsanaa oo waa  la siyaasadeeyey oo dad qasdi leh oo xildhibaano ah ayaa siyaasadeeyey, kuwaas oo shacbigoodii iyo deegaannadii ay kasoo jeedeen wax ku akhriyey, markaa waa kii madaxweynuhu annaga saddexdayada xisbi noo soo diray baaqa, annaguna waanagii keeni kari waynay xal, oo waataanu nidhi mar haddii aanu annagu waxba samayn waynay aynu isaga dib ugu celino.”

Waxa kale uu intaa ku daray:

 “Arrinta laga doonayay madaxweynaha ee laga sugayay may ahayn muddo kordhin ee waxaa ay ahayd saami qaybsiga kuraasiga golaha wakiillada, kaasi ayuu ahaa qodobka laga maarmi waayya ee laga tashanayay.

Waxa uu hadalkiisa Faysal ku soo gaba gabeeyey:

“Dee madaxweynuhu hadduu xal waayay oo uu qaybin kari waayay saamigii kuraasta sida aanu annagu u qaybin kari weynay oo aanu annaguna nidhi wixii aad goyso waanu raacsannahay, isaguna is yidhi waqti lagaga tashado sii oo uu kala reebay labada doorasho, dee horta waa macquul iyo arrin dhici karta, annaguna haddaanu nidhi waanu ogolnahay taladaada waanu taageersannahay qodobkiisa laakiin shuruud baanu ku xidhaynaa.”

Sidoo kale waxa uu Faysal sheegay in uu ku xidhay shuruudo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Shuruudu waxaa weeye in qorshe hawleed  [Action Plan] la sameeyaa iyo wixii la qaban lahaa oo ay kow ka tahay golaha wakiillada oo dib u habayn [reform] lagu sameeyaa, waayo hadda wuu ku gaboobay meesha, nidaamkii wuu ka baxay oo shuruucdii wuu ka baxay, sidaas daraadeed in la derso nidaamkii iyo xeerkii uu ku shaqaynayay. Qoddobka labaad waa in mushkilladan taagan maanta ee saami qaybsiga kuraasidana waa in xalkeedii la keennaa, haddii la iska seexdo oo la yidhaahdo berrina waa la kordhiyey oo laba iyo toban sanno la xalin kari waayo dee haddana kordhis bay tegi doontaa, taasina waa nasiib darro.”

Dhinaca kale Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa isagu gebi ahaanba ganafka ku dhuftay go’aanka madaxweynuhu soo saaray. Xoghayaha guud ee xisbiga Wadani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo shalay ka hadlay go’aankaasna waxaa uu ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin, isla markaana ceelalyo u noqonaya sida ay u arkaan muddo kordhin kale oo xukuumadda loo samayn doono.

Uurcadde oo shalay khadka telefoonka ugu warramay Weriye Cabdi Bidhaan X. Daahir oo laanta afka soomaaliga ee BBC-da ka tirsanna waxaa uu ugu horeyn weydiiyey sababta ay u cuskanayaan diidmadooda, waxaana xogahayaha guud yidhi:

“Waxaanu ku diidnay waxaa weeye, madaxweynaha waxanu u wakiillanay oo saddexda xisbi ay masuuliyadooda saareen in uu ka hadlo arrinta saami qaybsiga, laakiin go’aan kale oo laga sugayay muu jirin.”

Maxamed Cabdillaahi Uurcade, waxaana mar laweydiiyey in si loohelo waqti saami qaybsigaas looga baaraan dego loo helo ay kala qaadista laba doorasho munaasib tahay, waxaa uu yidhi:

“Haa waa loo baahan yahay in waqti loo helo saami qaybsiga laakiin madaxweynuhu wuxuu fadhiyey lix sanno iyos iyaado, intaasba hawshu way taallay isaga ayaa ka gaabiyey oo muddo xileedkiisa ay ahayd.”

Mar xoghayaha la weydiiyey in diidmadoodu ay noqoto muran iyo ku jiqsii caqabad ku noqonaysa doorashada madaxtooyadda waxaa uu Uurcadde yidhi:

“Horta go’aanka doorashada madaxtooyada iyo qabashadeeda iyo qabasho la’aanteedu waxay ka go’an tahay madaxtooyada, xisbiyada qarankuse waa u diyaar, laakiin tan aad leedahay [madaxweynhu] waan qabanayaa ee doorashada madaxtooyada, illaa maalintii uu madaxtooyada soo galay ilaa maanta mar walba waxaa uu leeyahay cisho igu dhaafi mayso, haddana [immika] ma aaminsanin annagu in uu doorashada qabanayo xilligii loogu talo galay, goaankan mudada loogu kordhiyey golaha wakiillada ee madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorashana waxaanu u aragnaa runtii marmarsiiyo mudada loogu kordhinayo xukuumadda oo laga bilaabayo golaha wakiillada.”

Xigasho Hubaal Media

bandhige@gmil.com