Agoonimadu waa xaalad adag qofka ay la soo daristo, qofka ama caailada soo marta marxaladaasi waxay nolosha soo maraan iyaga oon helin qof haga, somalidu waxay tidhaa qof wax ku siiya waad heshaa laakiin qof kula taliya ma heshid, qofka helaana waa dhif qof la taliya, qof hadii aad kaluun siiso maalintaa wuu dhargi laakiin hadii aad barto siduu u kaluumaysan lahaa noloshiis oo dhan baad unfacday.
Hadalkaas waxaan uga gun leeyahay qofkii ayay noloshii ku adkaanaysaa hadii uu agoon noqdo bal ka waran shacab dhan oo agoon ah. Shacab agoon ahi waa shacab aan hasayn hogamiyayaal daacad u ah, hogaamiyayaashi maaha kuwan siyaasada uun waa kuwa diinta waa kuwa dhaqaalaha waa kuwa dhaqanka iwm. shacabkaas ayaan ku tilmaamay shacab agoon ah. Shacabkaas dhib badan ayaa soo gaadhaysa. markaad shacabkeena eegto waxaad arkayasaa shaqooyinkii yar yaraa ee xaabka ah oo dhan in lagala wareegay, sida god qodistii, dhagax jabintii, gaadhi maydhistii, baalishlihii iwm, imikana timaxiirkii ayay farabaas ku hayaan dadkaa soo galaytiga ihi, hadii aan si deg deg ah wax looga qaban shaqooyinka ku xiga ee ay la wareegi doonaan waa wastaadnimada iyo nijaarada markaas ayaad toosi doontaan oydin qaylin sidiinii.
Waxaad arkaysaa kuwaa umada waxaa ka qaban lahaana iyaga oo isku sa sawiraaya xafladaha iyo hawlaha rag kale ku tabcay iyadoo tii loo igmaday ay dayacantahay. Kuwii indha qudhaanjo lagu sheegi jirayna waxaa fasaad iyo dhibaato ka socota gudbin maayaan eh kaa masaajidka taga ayuunbay dabataagan yihiin kuna mashquulsanyihiin sidii ay u dhibi lahaayeen.
Waxaan idiin sheegayaa dadkaa ajaanibka ah waynu soo dhawaynaynaa markay la yimaadaan xirfad aan dadkeenu aqoon, laakiin u ogolaanmayno xirfadaha dadkeenu yaqaanaan inay la wareegaan. Waxaan shacabkana kula talin lahaa in aanay shaqaalaysiin dadkaa ajaanibka ah, waliba khaasatan kuwaa billaabay inay tima xiirkii la wareegaan inaguna qaaliyaysiiyay, yaan laga xiiran hadii aad damiir leedihiin, waa inaynu ku samaynaa goyn (economic boycott).
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan
Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay
Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?
Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan
Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega
Dajjaal iyo labadiisii salladood
11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd
Luqadee ayaa wax lagu baranayaa
Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
nur.hersi21@gmail.com