Munaasabad abaal-marino lagu guddoonsiinayey mas’uuliyiin fuliyey dib-u-habaynta garsoorka ayaa waxa lagu qabtay Hargeysa

Xaflad ballaadhan oo ilyartu is qabatay isla markaana ay ka soo qayb galeen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Axmed Cadarre, Xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan,  taliyaha ciidanka bilayska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillahi Fadal Iimaan iyo taliye-ku-xigeenka ciidanka asluubta, laguna abaal marinayay kaaliyayaasha heer degmo, heer gobol iyo heer qaran, garsoorayaasha maxkamadda sare, guddiga maxkamadaha guur guura, guddiga kormeerka daba galka. Sidoo kale, waxa abaal marin la guddoonsiiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo si weyn u garab taagnaa is-beddellada iyo dib-u-habaynta caddaaladda dalka,  sannadkii ugu danbeeyay ayaa lagu qabtay hudheel Maansoor.

Xafladdan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qaybgaleen marti sharaf kale sida  SONSAF oo ururrada bulshada ka socotay, hay’adaha  caalamagi ah ee wada shaqaynta la leh bahda garsoorka iyo xeer ilaalinta ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay madashaas isu-duwaha maxkamadaha guur-guura: Sharma’arke Yuusuf Faarax oo sharraxay muhiimadda ay leeyihiin maxkamadaha guur guura iyo baahida Qaranku u qabo in la helo shaqaale hufan oo dalkooda iyo dadkoodaba ugu shaqeeya caddaalad iyo sinnaan. Isagoo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yidhi Sharma’arke:

“Ujeeddada aanu kulankan maanta u qabannay waxay ka danbaysay kulan hawleed saddexdii cisho ee ugu danbeeyay ka socday madashan kaas oo lagu lafa gurayay faa’idada iyo baahiyaha ay dadweynuhu u qabaan maxkamadaha guur guura. Runtii hal-ku-dhigga aan ka duulaynnay waa in muwaadin kasta oo aanay duruufuhu u saamaxayn inuu yimaaddo Maxkamadda Sare halkiisa loogu tago si loo dhagaysto kaddibna looga hawl-galo tabashadiisa. Sidoo kale, waxa halkan shahaadooyin loogu guddoonsiin doonaa guddoomiyayaashii maxkamadaha rafcaannada iyo gobollada, kaaliyayaashii iyo guddida caddaaladda.”

Intaas kadib waxa ka-soo-qayb galayaashu ku nasteen filim kooban oo laga sameeyay horumarradii is-daba-joogga ahaa iyo guulihii ay Soomaalilaan ka gaadhay geesta caddaaladda muddadii uu xilka hayay Bare Sare Aadan Xaaji Cali Axmed. Filimkaas oo muddo kooban socday wuxuu dadweynaha u soo bandhigay muuqaallo muujinaya heerka ay caddaaladda Soomaalilaan maanta marayso. Sidoo kale, wuxuu filimku soo bandhigay kalsoonida buuxda ee shacabka Soomaalilaan ku qabaan bahda caddaaladda guud ahaan, gaar ahaanna maxkamadaha.

Waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare isla markaan ah guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali. Prof Aadan Xaaji Cali, guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaalilaan wuxuu ku dheeraaday baahida loo qabo caddaalad isagoo tibaaxay in bulsho aan haysan caddaalad iyo sinnaan aanay nolol ku naalloon karin. Guddoomiyuhu wuxuu ku nuuxnuuxsaday dedaallada joogta ah ee ay ugu jiraan sidii is-beddel dhab ah looga samayn lahaa caddaaladda dalka isagoo tilmaamay in tallaabooyin hor leh oo ay wax ku beddeleen ay hore ba u sameeyeen, welina ay wadaan. Guddoomiyaha oo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yidhi:

“Caddaaladdu waa laf dhabarta nolosha – haddii aan caddaalad iyo sinnaan la helin, dawladnimo ma jirayso, maamul wanaag na jiri maayo.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyqaan Aadan Xaji Cali wuxuu ammaan u soo jeediyay shacbi weynaha Soomaalilaan oo uu sheegay inay haatan si weyn kalsooni u siiyeen hiil iyo hooba na la garab taagan yihiin bahda caddaaladda. Ugu danbayntii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu si weyn u ammaanay shaqaalaha ka hawl-gala caddaaladda dalka sida guddoomiyayaasha maxkamadaha degmooyinka, rafcaanka iyo gobollada,  kaaliyayaasha, garsoorayaasha kuwaas oo uu sheegay inay baal dahab ah ka galeen taariikhda Soomaalilaan, isagoo u soo jeediyay inay sii laba jibbaaraan u shaqaynta bulshadooda si loo dhiso kalsoonida shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Axmed Faarax Cadarre Cadarre iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa iyaguna ka warramay heerka ay caddaaladda Soomaalilaan maanta marayso. Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeyeen baahida ummad kastaa u qabto sinnaan iyo caddaalad. Ugu danbayn waxay ammaan u soo jeediyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaalilaan Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ay ku tilmaameen nin kasbaday kalsoonidii bulshadiisa, waxay sidoo kale ku bogaadiyeen barnaamijka maxkamadaha wareega oo ay ku tilmaameen guul weyn oo Qaranku gaadhay.

Taliyaha ciidanka bilayska Soomaalilaan Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa tilmaamay is-beddeka dhabta ah ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Maxkamadda Sare ku tallaabsadeen muddadii uu xilka hayay Garyaqaan Aadan Xaaji Cali. Taliye Fadal oo arrimahaas ka hadlya ayaa yidhi:

“Annaga(booliska), xeer ilaalinta iyo caddaaladda ba waxa naga dhaxeeya wada shaqayn fiican. Runtii is-beddel weyn oo mug iyo miisaan ba leh ayaa lagu sameeyay maxkamadaha dalka, gaar ahaan markii madaxweynaha Soomaalilaan Maxkamadda Sare u magacaabay Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed.”

Ugu danbeyn, waxa madasha ka hadlay madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo isagu ku dheeraaday ahmiyadda ay caddaaladdu u leedahay aadamaha oo dhan. Si gaar ah, waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku u ammaanay heerka ay maanta marayso Caddaaladda Soomaalilaan taas oo uu sheegay inuu gadh-wadeen ka yahay aqoonyahan da’ yar oo si weyn bulshadiisu ula ashqraartay habka iyo hannaanka uu u maray hagaajinta caddaaladda isagoo kasbaday kalsoonida shacbigiisa. isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dawlad ahaan waxa naga go’an helitaanka sinnaan, caddaalad iyo wanaagga bulshada. Waxaanu si weyn u taageeraynnaa dedaallada joogtada ah ee uu hormuudka ka yahay Prof. Aadan Xaji Cali Axmed kaas oo daarran dib-u-habaynta caddaaladda waddanka.”

Ugu danbeyntii waxa shahaadooyin abaal marin ah la guddoonsiiyay madaxweynaha Soomaalilaan Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo door weyn ka qaatay hirgalinta isla markaana garab taagnaa is-beddel dhab ah oo lagu sameeyo garsoorka dalka. Waxa iyaguna abaal marin la guddoonsiiyay  mas’uuliyiintii qaybta weyn ka qaatay dib-u-habaynta caddaaladda dalka kuwaas oo ahaa heer degmo iyo heer gobol ba iyo dabcan, sidoo kale, waxa abaal marinta la guddoonsiiyay guddiga kormeerka dabagalka, guddiga maxkamadaha guur guura, taliyayaasha booliska iyo taliyayaasha asluubta.

bandhige@gmail.com