“Culimada reer Somaliland ee ku takhasusay cilmiga bulshada, maxaaa afkoodii qidhim ka siiyey ee ay cilmigoodii bulshada uga faa’iidayn waayeen?”
Anigoo, intii waqtigayga ugu badnayd ku bixiyey danaha guud ee reer somaliland, oo maalinba is idhaahda halka ay ka liicdo ka toosi, ayaa waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa qadddiyad taabanaysa qof kasta oo inaga mid ah. Isla markaana qeyb laxaad leh ka qaadan karta dibu-dhaca iyo horumarka dadkeena iyo dalkeena.
Sida aynu wada ogyihiin dadbadan, waxa jira waxyaalo laga wado siman yahay adduunka sida in la tixgaliyo hay’adaha udub dhexaadka u ah nidaamka dowladeed, ee noqda tiirarka dowladdi ku tiirsan tahay, waxaana ka mid ah hay’adahaasi hanti-dhowrka guud, hay’adda shaqaalaha iyo Hay’adda nabadsugidda. Hay’adahan oo sida magacyadooda ka muuqata laga fahmayo shaqadooda, isla markaana aan uba sii baahnayn in laysku sheego wixii loo igmaday inay qabtaan.
Haddaba, anigoo wax shaqsi ah iyo dano gaar ah ugala jeedin qormadan, qoraal iyo hadal jaceyl iga aheyn,haddana waxaad badankiinu igu waafaqi doontaan marka ay timaado bulshada reer Somaliland qeybaheeda kala duwan, waxaad dareemaysaa inuu go’ay dhaqdhaqaaqii la dareemi jiray, hadal-hayntii, la socodkii iyo ka war-hayntii 3-daa hay’adood. Taas macnaheedu maaha hay’adahaasi hawshoodii ayey ka gabeen amma gudan waayeen, laakiin iswaydiintu waxay tahay haybaddii iyo karaamadii ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen maxaa hoos u dhigay? Waxyaalaha la odhan karo hoos bay u dhacday marka laga hadlayo hay’adahani wax aka mid ah, hadal-hayntii, qaddarintii, ku baraarugsanaantii waxqabadkooda.
Dhinaca kale, Sidaad ogtihiinba cilmigan xaddaaradda ku sallaysan ee imika jira iyo farsamooyinkan (technology) cusubi waxay soo saarayaan sanad walba arday baratay takhasusaad kala duwan sida qaar bartay cilmiga arrimaha bulshada , oo gude iyo dibadba wax ku bartay. Haddaba, waxa is waydiin leh maxay ugu camal fali waayeen cilmigoodaas, oo bulshadooda diiradda ugu hayn waayeen isbeddeladda iyo jihadda kolba ay bulshadu u jeesanayso, iyagoo adeegsanaya daraasado, cilmi-baadhisyo dhinac walba ah oo wax lagu qaato, mana aha wax laga aqbali karo in culimadaas wax soo baratay ay afka xidhaan kana mashquulaan hawshii muqadaska ahaa ee loo baahnaa inay gutaan. Taasoo ay ahayd inay la socdaan jihada hoose iyo dareenadda iyo fakarka ay mushaaxayso qeybaha bulshadeenu. Dhinaca kale, markaan eego culimadan baratay cilmiga bulshada waxay shaqsi ahaan ila tahay,sida qaybaha kale ee bulshadeenu ka kooban tahay u badan tahay wahtigan xadirka ah, inay jirto hagrasho ina dabartay, dan shaqsi oo lagu lug go’ay oo dantii guud laga haajiray iyo inagoo danteenii ku soo koobnay ‘ Shaygaasi anigu maxaan ka helayaa maanta’.Sidaa daraadeed, Waxaan u soo jeedin lahaa inay darsaan culimadaasi, oo ay wax ka soo saaraan sababta ay bushadu u hadal hayn ladahay amma aan imika loo dareemin dhaqdhaqaaqii 3-daa hay’adood hadda iyagoo shaqadoodii wata heer kastaba ha joogtee.
Sidoo kale, Waxaan u soojeedinayaa 3-aa hay’adood ee aan kor ku soo xusay inay boodhka iska tumaan, oo ay nuuran, badada soodhigaan haybaddii iyo karaamaddii ay ku dhex lahaayeen umadda. Isla markaana ay xoojiyaan hawlahooda shaqo, muujiyaanna waxna ka qabtaan galdaloolooyinkooda. Waxa kale, oo aan bushadda reer Somaliland ka codsanayaa inay taageeraan wixii dani ugu jirto sida dowlad wanaagga oo ay wax gashadaan. Isla markaana ay iskaga hadhaan waxyaalo badan oo waqti lumis ah. Waxaana ka mid ah qaaciidooyinka adduunkani kudhisan yahay, in wixii aad wanaag gashato aad wanaag ka helayso. Sidaa awgeed, in bulshadu la timaaddo wax kasta oo hay’adahaasi tiirinaya kana dhowraan dacaayadaha raqiiska ah ee niyad jabka keenaya, isla markaana garab istaagaan, maadaama ay hay’adahani yihiin tiirarka dowladnimada kuwa ugu qiimaha badan leh.
Sidoo kale, waxaan u soo jeedinayaa dhalinyarada baratay cilmiga bulshada inay isku tagaan, oo ay ururo samaystaan isla markaana ay sameeyaan daraasado, oo ay bulshada u soo bandhigaan wixii talo iyo tusaale ah,waxii sax ah amma khalad ah ee soo kordha.
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, taladaas aan siinayo dowlad iyo shicibba, in waxaaynu haysanno ee gacanta inoogu jira, ee uu ka mid yahay Qur’aanka iyo sunnadii Rrasuulka (SCW) oo taagan waqti kasta aynu raacno. Sidoo kale, deegaan, dhaqan iyo taariikh wanaagsan oo aynu leenahay iyo dowlad aynu gacanteena ku yagleelnay inaynu ilaashano oo aynu horumarino.
W/Q:Rashiid sulub caalin Email:sulub2007@yahoo.com