Muranka UCID oo sii xoogaystay iyo jawaabaha xanafta leh ee masuuliyiinta

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng  Faysal Cali Waraabe oo saxaafada kula hadlayay ayaa waxa uu  jawaab ka bixiyay hadalo manta kasoo yeedhay Gudoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Guray iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID .

Waxaana uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu hadaladan kasoo yeedhay siyaasiyiinta  ku tilmaamay waxba kama jiraan isaga oo dhanka kale sheegay in ay xubno xisbiga kabaxay ay shirka qabteen waxaana uu yidhi:

“Horta waa nasiib darro waddanka uun bay kamid tahay waxa ka socda, horta nimankaa meesha fadhiyay ninka  Maxamed Cali la yidhaa xisbigaba kama tirsana  wuu ka baxay oo waxaan u dhiibnay arrimaha dibedda balse wuu kasoo baxi waayay, Cali Gurayna anaa magacaabay xisbigana wax alaale wuxuu ku darsaday ma jiro, mana haysto kaadhkii golaha dhexe,aniga uunbaa kumeel gaadh ahaan ugu magacaabay, awooda xisbiguna waa shirwaynaha xisbiga oo waxuu go’aamiyo ayuunbaa lagu socdaa, xoghayaha gole dhexena waa secratery, oo markaan shir fadhino ama shirwaynaha golaha dhexe wixii kazoo baxa uunbuu noo qoraa, xisbigana magaciisa waxa u ku hadli kara saddex qof waa xoghayaha guud ee xisbiga,gudoomiyaha xisbiga iyo xoghayaha warfaafinta.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“ninka yidhi lacag ayuu lunsadayna waxa weeyey Cali Guray, Calina waxa uu soo maray laba xisbi oo lacagta lagu cuni jiray,waa Kulmiye oo lacag badan lahaan jiray iyo UDUB oo xukumadda ahaan jiray, waxaanad moodaa inuu nosoo shaqo tagay, lacagta kabka ah anaa ka masuula anaanay dawladu ila xisaabtamaysaa waxna lagama cun Ayaan odhanayaa markaa waxiisu wax kazoo qaad maleh , xisbigu sharci ayuu leeyahay, sharcigaa ayaa lagsoconayaa oo nidaam ayuu leeyahay waxii nidaamkaa ka baxsana nin iska hadlay weeye.

Dhanka kale Gudoomiye Faysal mar wax laga waydiiyay in uu gacan saar hoose la leeyahay dawlada iyo xisbiga Kulmiye isla markaana loo soo adeegsanayo burburka xisbiga UCID  ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan:

“Horta gudoomiye u adeegaya gudoomiye kale waligeed taariikhda may dhicin aniga iyo xisbiga Kulmiyena waan tartamaynaa, hadii uu muuse damac yeeshay oo uu yidhi musharax baan ahay oo waan tartamayaan inuu xadiyo maaha oo meelahaa uu ka caytamo, Kulmiye iyo Waddanina laba xisbi weeye oo waan tartamaynaa, xisbiga UCID-na laba qof iyo saddex qof oo meelahaa ka haddlay waxba yeeli maayaan xisbiga sharci buu leeyahay kaasaana lagu kala soconayaa”

Dhankale gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in aan  xisbiga UCID ay masuuliyiintan la tiigsan doonaan maxkamadda waxaana uu yidhi.

“Way iska hadlayaane ma jiraan wax xisbiga maxkamad la gayn doonaa, xisbiguna xeer buu leeyahay hadii maxkamada la taggona xeerka uunbaa la akhriyi doonaa.

Si kastaba ha ahaatee waxa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya  khilaafka xoogan ee ka dhaxeeya Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen.

Halkan hoose ka daawo muqaalka warka Guddoomiye Faysal:

bandhige@gmail.com