Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in ay bilaabayaan tababaro u fidinayaan kooxaha ka tirsan dagaalyahanada mucaaridka Suuriya, kuwaas oo la doonayo I ay ka hor tagaan kooxda Dawladda islaamiga.
Arrintan ayaa u muuqata mid dib loogu soo noolaynayo barnaamij looga gol-leeyahay in lagu diyaariyo kumanaan mintidiin ah oo dagaal la gala kooxda IS
Barnaamijkaas ayaa sannadkii hore waxa uu ku dhammaaday guuldarro, kaasi oo dadaalka la joojiyey markii ay soo baxday in qaar ka mid ah dadkii la qortay ay si sahlan hubkooda ugu wareejiyeen koox xoog leh oo jihaad doon ah, in yar ka dib markii ay ka laabteen Suuriya.
Xafiiska Pentagon ayaa sheegaya in tababarka la siinayo dadka cusub ee loo qorayo barnaamijka dib loo soo noolaynayo ay ku jiraan sidii loo ogaan lahaa bartilmaameedyada ay cirka ka duqayn doonaan dayaaradaha xulafada uu maraykanku hor kacayo.