Qaar ka mid ah xildhibbaanada u sharaxan ka qeyb-galka doorashada Baarlamaanka Somaliland ee golaha Wakiilada oo sida kale na ay wehelinayaan qeybo ka mid ah bulshada ra’yidka ah, ayaa waxay si adag uga soo horjeesteen go’aanka Madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan ku kala qaaday labada doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyadda.
Dhammaanba musharaxiintan ayaa waxay sheegeen in ay go’aankaas u arkaan mid aan ummadda dan u ahayn.
Sidoo kale waxay sheegeen in aanay aqbali doonin muddo kordhin dambe oo loo sameeyo golaha wakiiladda haatan laba iyo toban jirsanaya ee uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil “Cirro”.
Xildhibbaanadan iyo qeybaha ka mid ka ah bulshada ra’yidka ah oo iskugu jiray haween, dhallinyaro, madax-dhaqameed, ururo bulsho iyo weliba siyaasiyiin, ayaa waxa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay saaka ku qabteen Hotel Maamuus ee Hargeysa, waxaana ay ka mideysnaayeen in aanay aqbali doonin go’aanka muddo kordhinta ee uu soo saaray Madaxweyne Siilaanyo.
Qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na dhankooda iftiimiyey sida ay shacab ahaan diyaarka ugu yihiin doorashada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana ay cod dheer ku muujiyeen in ay si adag uga soo horjeedaan isla mar ahaantaana cambaareynayaan go’aankii uu Madaxweynahu ku kala qaaday laba doorasho Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda.
Ugu dambeyn, Murashaxiintan, ayaa waxay sheegteen in ay ka soo kala jeeda xildhibbaano ka kala tartami doona saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland.