Kadib markii uu sannado badan su’aal ka keenay Donald Trump in uu Obama ku dhashay Maraykanka ayaa waxa uu haatan qiray in uu rumaysan yahay in uu ku dhashay Maraykanka, sidaasna waxa lagu sheegay war qoraalka ah oo ka soo baxay Olaha Trump.
Ololaha Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku ammaanay Trump in uu Obama ku qaasbay in uu soo bandhigo warqaddiisa dhalashada, si loo soo gaba gebeeyo arrin su’aalo la iska weydiinayey intii Obama uu ahaa Madaxweynaha. Afhayeenka Trump ayaa waxa uu sheegay in uu Trump haatan rumaysan yahay in uu Obama ku dhashay Maraykanka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Kadib markii Trump uu helay warqadda dhalasho ee madaxweyne Obama, waxa uu hadda rumeysan yahay in Obama uu ku dhashay Maraykanka”
Goor sii horreysay ayaa musharaxa madaxweynaha Maraykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton waxa ay Trump si aad ugu weerartay taageeradiisa waxa loogu yeedhay “Dhaqaaqa Dhalashada” ee dadka rumeysan in Obama uusna ku dhalan Maraykanka.
Waxa ay tixraaceysay qoraal lagu daabacay wargeyska Washington Post oo Trump uu ku diiday in uu sheego in uu rumeysan yahay in Obama uu ku dhashay Maraykanka.
Hadalada Trump ayaa waxay haatan yihiin qaar iska hor iyo daba imanaya oo uu si fudud ugu weeraro shaqsiyaadka siyaasada ay kuwada jiraan.