Murtidii uu ku caan baxay Muxamed Cali

Halkan hoose ka akhriso qaar ka mid ah murtii ugu caansanaa ee uu yidhi Marxuun Muxamed Cal Clay oo ku geeriyooday waddanka Maraykanka xalay ayaa waxa uu ahaa feedhyahan ka caan dunida kaas oo waddamo badan oo tacsi u direen qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Muxamed Cali mar uu ka hadlayey magaca uu rabo in loogu yeedho ama warbaahinta isticmaasho waxa uu yidhi:

“Cassius Clay waa magac addoonnimo. Anigu ma dooran, mana doonayo. Magaceygu waa Muxamed Cali, waxaan ahay nin xor ah. Waxaan rabaa in ay dadka magacaasi iigu yeedhaan marka ay ila hadlayaan ama ay iga hadlayaan. “

Sidoo kale mar uu ka hadlayey arrimaha dadka madowga ah ee yimid Maraykan ayaa waxa uu yidhi:

“Afar boqol oo sanno ka hor ayaa halkan nala keenay si aan uga shaqeyno. Maxay tahay sababta dal aan leenahay aan u dhisan laaโ€™ nahay si aan uga maarano tuugsiga shaqooyinka? Xor ma ahaan doonno ilaa iyo inta aan dhul ka yeelaneyno. Waxaan nahay 40 milyan oo qof, mana lihin laba acre oo inaga noo gaar ah. “

Markii uu diiday in uu ka mid noqdo Ciidanka Maraykanka ayaa waxa uu yidhi:

“Maxay tahay sababta ay iiga codsanayaan in aan tuute (labiska ciidanka) u xidho oo aan 10,000 oo mayl uga fogaado gurigeyga si aan u duqeeyo ama aan rasaas ugu rido dad ku nool Vietnam, xilli ay dadka lagu magacaabo Negro ee ku nool Louisville loola dhaqmo sida eyda, isla markaana loo diido xuquuqda asaasiga ah?”

Iyo

“Uma socdo meel 10,000 oo mayl ka fog gurigeyga, si aan gacan uga geysto dilka iyo gubitaanka dal sabool ah, si ay gumeystayaasha caddaanka ah usii wadaan haysashada dadka madow ee caalamka.”

 

bandhige@gmail.com