Ciidamadda boolisku waxay qabteen koox looga shakiyey in ay qaraxyo ka fuliyaan Maxkamadda Sare

Ciidamada booliska ayaa waxay maanta ka qabteen agagaarka Maxkamadda Sare saddex nin oo looga shakiyey in qararyo ka fuliyaan Maxkamadda Sare.

Illaa hada xukuumadda Somaliland war kamay soo saarin qabashada saddexda nin oo ay Booliisku qabteen isla markiiba, waxaana qalibkii Miinada ahaa qaaday ciidamadda Miino-saarka oo goobta soo gaadhay.

Ma cada nimanka la qabtay waxa ay ahaayeen, hase yeeshee sarkaal ka tirsan ciidamadda amniga ayaa sheegay in uu ka tirsanaa nin ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, kaasoo sida uu sheegay ay walaalo ahaayeen hoggaamiyihii kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Askarigan ayaa la sheegayaa in uu ahaa koox dhaqan celin ahaan ciidamadda loo qoray, kuwaas oo ka soo goostay maleeshiyadda Alshabaab.

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa heegan la galiyey, waxaana saaka laga dareemayey feejignaan dheeraad ah agagaarka maxkamaddaha Hargeysa.

Xigasho Waaheen.

bandhige@gmail.com