Maaamulka Iskuullada Nuuradiin ayaa xaflad sagootin ah u qabtay 800 oo arday ka qayb galay imtixaanaadkii sannad dugsiyeedka 2015/2016.
Xafladda Sagoontinta ah oo ka dhacday Hotel Maansoor ayaa wax aka soo qayb galay masuuliyiinta iskuulada Noradiin, Macalimiin, Ardayda iskuulada Noradin, Waalidiin, Siyaasiyiin, iyoย aqoon yahan aad u tiro badan.
Ugu horayn waxa ka hadlay Maamulaha guud ee Iskuulada Noradiin, oo sheegay qaybaha kala duwan ee ardayda, isla markaana wuxuu ardayda ugu duceeyay guulo aakhiro iyo aduun ba, isagoo faahfaahin ka bixinaya ardayda ka qayb galaysa imitixaanaadkana waxa uu yidhi:
โ800 boqol ee arday 358 waa hablo 442 waa inamo. Waxay u dhigmaan ardaydani gobollada Somaliland marka ardayda Noradin la eego waxa ka badan gobol ahaan iyo ardayda Nordin ka baxaysa laba gobol oo kaliya Gobolka togdheer iyo Gobolka Awdal, labadaa Gobol oon filayo midna 1200 midna 1100 inay yihiin ayuun baa ka badan yihiin marka Noradin ahaan la eegayo.ย Ilaahay ha barakeeyo meel fiican aakhiradooda iyo aduunyadoodaba ilaahay ha mariyo, waxaan u ducaynaa ardaydaasi nimcooyinkaa badan ee ilaahay ina siiyay in uu Illaahay in oo ilaaliyo.โ