Booliska gobolka Connectcut ayaa shalay subaxnimadii garaacay albaabka guriga Bob Stackowitz, waxayna ku yidhaahdeen “Waxaanu raadinaynaa maxbuus lambar: No. 0000364334.”
Mr. Stackowitz wuu naxay. Wuxuna yidhi “Waan garanayey in ay maalintani mar uun iman doonto, waxanse jeclaa in aanay iman”. Kadibna waxa la taxaabay.
Sannadkii 1966 ayaa Bob Stackowitz waxa lagu helay fal-dambiyeed budhacdnimo ah waxana lagu xukumay 17 sanno oo xadhig ah. Nin reer Georgia ah ayuu xoog kaga qaatay $9, wuxuna ka kaxaystay gaadhigii uu watay. Ninkan oo hadda da’diisu tahay 91 jir, welina ku nool Georgia, ayaa saaka warbaahintu isku dayeen in ay waraystaan. Wuuse diiday.
Laba sanno kadib Bob Stackowitz waxa u suurto gashay in uu xabsiga ka fakado. Wuxuna magaciisii u beddelay Bob Gordon, wuxu degay magaalo yar oo la yidhaa Sherman oo ku taalla galbeedka Connectcut ee Maraykanka ayna ku nool yihiin 3600 oo qof. Wuxu noqday makaanik dayac-tira doonyaha, noloshiisa intii ugu badnaydna halkaas ayuu ku qaatay.
Haweenay ay hadda kala tageen oo xaas u ahayd 21 sanno oo magaceeda la yidhaa Cindy Derby ayaa ka argagaxday taariikhda lagu soo faqay saygeedii hore.
“Waligay maan maqal in saygaygu ahaa dambiile firxad ah, laakiin waxan ku faraxsanahay in 21-kaas sannadood aan bilaa werwer ku noolaa. Haddii aan ogaan lahaa in uu dambiile yahay, werwer kamaan baxeen”
Bob Stackwitz waxa raadkiisa la helay kadib markii uu beri dhawayd dalbaday lacagta ay qaataan dadka gaboobay. Markii magaciisa la galiyey nidaamka computer-ka waxa ka soo baxay in uu ahaa dambiile, kadibna sidii loo raadinayey ayaa albaabka lagu garaacay.
Bob Gordon ama Bob Stackwitz oo haatan ah 71 jir, wuxu xabsiga ku qaadan doonaa 15 sanno oo uga hadhsanaa xukunkii lagu riday. Haddii uu sii noolaado wuxu xabsiga ka soo bixi doonaa 2031-ka isaga oo 86 jir ah.
Xigasho: Wakaaladaha Wararka
Bandhige@gmail.com