Maxamed Cali oo ahaa feedhyahankii dunida ugu caansanaa, marar badana ku guulastay feedhka ayaa geeriyooday.
Maxamed Cali waxay da’diisu ahayd 74 jir, waxaanu u geeriyooday xanuun ka asiibay dhinaca sambabada iyo neefsashada taasi oo maalmihii u dambeeyey laga dayrinay xaaladiisa caafimaad.
Xanuunkan uu u geeriyooday Maxamed Cali ayaa waxa uu asiibay afar sanno kadib markii uu ka fadhiistay ciyaaraha feedhka sannadkii 1984-kii.
Maxamed Cali waxa uu ku dhashay ee gobolka koofurta Maraykanka ku yaalla ee Kentucky.
Waxa uu Muslim noqday sannadkii 1964-kii oo ahayd markii ugu horeysay ee abaalmarinta caalamiga ah uu ku guuleystay, waxaanu sadex jeer ku guuleystay abaalmarinta feedhka culus ee caalamka.