Marxaladahan isdaba taxan ee nolosha ayaa maalinba waayo cusub furra waa dacar iyo malab meel ku wada yaal talladuna waa sahay oo mar waad toosin marna way kula tagi Illaahay bayse tiisa noqon.
Waxay ahayd xili aan kaba fogayn abaartii ba’nayd ee xoolaha iyo dadkaba dam kasiisay oo hadana haraatideedii aan lagaba bogsan ayaa war lagu diirsadaa kasoo daba dhacay waa warbixin muhiim ah oo la sugayay 20 sanno ee u danbeeyay in bulshadani mar uun helidoonto hamigaas nololeed.
Tusaale kooban “ninbaa xili tababar uu qabanaayay 50 qof wuxuu tusaale u soo qaatay 50 biibiile wuxuuna ku qoray mid walba magacyadoodii oo saddexan, sidoo kale makhsin ayuu ku soo xidhay waxaanu dhammaantood faray in nin waliba kala soo baxo biibiilaha magiciisu ku qoranyahay waqti baanu u qabtay balse sawaxan iyo isjiidhjiidh ayaa meeshii buuq dhaafiyay mid ka mid ah ayaa xal keenay isagoo leh hadii aad hesho mid magac hebel ku qoran yahay u dhiib hebelkaasi wuu kugu xigaaye si adigana taada magacaagu ku qoran yahay laguugu dhiibo si degdeg ahna way ugu dhammaatay isagoo nin waliba wata biibiile magiciisu ku qoran yahay.”
Dulucda Qisadani waa danta guud ayaa dhasha danta shakhsiga ah, aan kusoo noqdo mawduuca
Mawduucani waxaan ku falanqayn doonaa si togan oo ka duwan sidii dadku u qaadaa dhigeen qodobadii isku mid ka ahaa ee sharciyada iyo buuqa wararka la buun-buuniyay ee kooxaha wax kala jiita (mucaarid, muxaafad iyo inta ku daba xiiqda ee kala taageersan) ay siidhiga ugu hayeen.
Ka bilaw hordhicii heshiiska waxa dawlada Imaaraadku ku qaabileen waftigii Somaliland ka socday ee Madaxweynuhu hoggaaminayay si heer sare ah waxaana la isla afgartay heshiiskii hordhaciisii, faaladii dadwaynaha oo caado inoo ahayd inta xun ayaa bulshadeenii jaanta iskula heleen waxaana lagu mashquulay sharciyadii, khilaafyo aan jirin iyo in la iibiyayba balse waxaa aniga igu weynaa ishaa inoo baxday in ay meelwayn inoo buuxin doonto.
Qaabkee la isku waafajiyaa dhaqankeena iyo dhaqaalaha heshiisyada caalamiga ah:
Dhaqaalaha aduunku waa awood isku xidhan, tartan xoogana ka dhex jiro gees ilaa gees, waa awood hal jiho u wada socota oo raba aduunku in uu meelkasta fursad dhaqaale ka abuuraan, waxay wadaagaan fikiro aragtiyo abuura dhaqdhaqaaq dhaqaale oo macquul ah waxaanu aduunku marayaa mid isku xidhan dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba, inkastoo ay jiraan kala qaybsanaan, sababtuna tahay waxa jira qolo iyagu aaminsan in aanay suurta gal ahayn soona xidha mashaariicda aduunku isdhaafsado Iyo qolo aaminsan in aduunku noqdo tuulo isku dan ah.
50 sanno ee u danbeeyay waxa soo ifbaxay horumarinta awooda wax soo saarka fikirada bini-aadanka si loo helo Ilo dhaqaale oo fursad siiya dadka sida adeegyada xidhiidhka dadwaynaha (services, cars, goods and so on ) tusaale ahaan wadamadda Shiinaha, Hindiya, Jabaan, Singabuur, Taywan iyo Maleeshiya waxay horumar balaadhan ka sameeyeen kor u qaadida aqoonta casriga ah si ay dhaqaale iyo fursaddo ugu abuuraan aduunkana la jaanqaadaan waxaanay gaadheen in wadamada soo koraya maalgashiyo ka samaystaan sida qaaradan Afrika sidoo kale shirkaddaha talafoonada gacantu waxay casriyeeyeen qalabkoodii waxaanay xilikasta goobkasta ka hirgaliyeen in ay daboolaan baayiha bulshada awoodaasina waxa horseeda dad tababaran oo wax curinkara (human with a high technology development) waxa ka mid ahaa Mulkiilaha Microsoft Bill Gate , mulkiilaha shirkadda Apple Steve jobs iyo kuwo kale oo badan.
Waxa kor loo qaaday loo xirfadaha bini-aadanka (innovation) saddex qaybood ayaa muhiim u ahaa in tayada dadka kor loo qaado Aqoonta (knowledge):
Aqoon tayo leh oo Xirfaddo kala duwan wax cusub abuuri kara iyo in kor loo qaado aqoonta xirfadaha sida engineering, medical professionals , R&D, waxaa xusid mudan nidaamka curinta wixii cusub oo halku dhagiisu ahaa (come out of the box ) oo micnihiisu yahay “kasoo bax qolka madow”
Curin (creativity):
Curinta wax cusub iyo midaynta afkaaraha kala duwan ee wax lagu Alifo.
Dhiirigallin (Motivation):
Sidii qaab cilmiyaysan dadka hamigooda kor loogu qaadi lahaa.
Bulshadeena dhaqan ahaan waa dad qaab qabaa’il u dagan badanaana waxyaabaha inna mideeyaa waa mabaadiida reernimo oo aan intay Soomaali jirtayba guul ka gaadhin.
Aqoonta dadkeena tayadeedu way hoosaysaa waxbarashaduna waxay ubadan tahay cilmiga arts-ka iskuulada Iyo jaamacaduhuba way yar yihiin in soo saaraan dad xirfadlayaal ah (skilled).
Nidaamka dawliga ahi wali waa curdin waxaana sharciga Dastuuriga ka awood badan xeer hoosaadka ee qabaailku ku dhaqmaan.
Qaabkee ugu haboon ee looga faaidaysan karaa fursaddan maalgashi ee dekadda berbera.
Si bulshadeenu shaqooyin wanaagsan uga helaan waxaa muhiim ah sidan:-
In la helo tababaro muhiim ah si dhalinyarteenu degdeg ula jaanqaadaan.
Waa in dawladdeenu iyo inta maalqabeenka ahiba maalgashadaan dadkooda loona soo xusho ilaa 300 oo arday (engineers/professionals /certified skills) waxbarashada bilaashka ah (scholarship) loogu dirro waddamada saaxiibada nahay “Ingiriiska, Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo waddamada kale la mid ah.”
Waa in khilaafyadda soo jireenka ah ee qabaailka ah sharci adag oo xakameeya laga soo saaraa si aan marnabba u dhicin khilaaf reernimo oo hakad galiya heshiisyada ganacsi ee caalamiga ah oo mustaqbal wayn u ah ummada reer somaliland oo dhan bari ilaa galbeed .
Qoraa: Axmed-Yasin Sh. Cumar Axmed Furre
Email: Ahyasen216@gmail.com