Nayjeeriya waxay sheegtay in ay qabatay hoggaamiyaha koox Islaami ah Ansaru

Maamulayaasha Nayjeeriya ayaa sheegay in ay qabteen hoggaamiyaha koox islaamiyiin ah oo la yidhaahdo Ansaru, oo xidhiidh la kooxda Al Qaacida,

Afhayeenka milateriga ayaa sheegay in Khalid Al Barnawi lagu qabtay gobolka badhtamaha ee Kogi.

Maraykanka ayaa ninkaas madaxiisa dul dhigay 5 millyan oo Doolar.

Ansaru waa koox ka go’day kooxda Boko xaraam, waxaana lagu yaqaannaa afduubka ajaanibta, iyadoo lagu eedeeyey dilka tiro dad ah oo reer Galbeed ah.

Ansaru waxay sheegeen in ay qaadeen weerar lagu qaaday xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaalla caasimadda Nayjeeriya ee Abuja 2012, iyagoo oodda ka qaaday tiro maxaabiis ah.

bandhige@gmail.com