Obama oo la Kulmay Madaxweynaha Argentine

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa la kulmay madaxweynaha Argentine Mauricio Macri, kaas oo taageersan suuqyada xorta ah.

Obama ayaa waxa uu booqasho ku tegay magaalada Buenos Aires, booqashadaas ayaa waxay qaadan doontaa laba maalmood. Ammaanka caasimada Argentine ayaa aad loo adkeeyey kadib qaraxii ka dhacay Brussels maalintii Salaada ahayd.

Khadadka tareenadda dhulka hoostiisa mara qaar ka mid ah ayaa la joojiyey oo aan haatan shaqaynaynin. Sidoo kalena waxa la xidhay soo gala goobta uu Madaxweyne Obama degan iyo goobaha uu booqashada ku tagayo.

bandhige@gmail.com