Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka warbixiyey kulan ay la yeesheen hay’adaha caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse” ayaa ka warbixiyay kulamo ay shalay la yeesheen ha’yada cuntada adduunka iyo hay’ado kale oo xidhiidh la leh wasaaradda Xanaanada Xoolaha. sidoo kalena waxa uu wasiirku sheegay in todobaadka fooda inagu soo haya ay bilaabi doonaan qorshe ay wax kaga qabanayaan waxyeelada ay abaartu u gaysato xoolaha.

Cukuse oo kulankaa ka dib saxaafaddu wax ka weydiisay waxyaabihii ay kala hadleen hay’adaha ay la kulmeen ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Waxaanu la kulanay hay’adaha wadashaqaynta la leh wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waana hay’adaha gacanta ka gaysan kara xanaanada xoolaha, waxa aanu ugu celinay qaylo dhaan la mid ah tii aanu hore ugu jeedinay.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu wasiirku yidhi:

“Waad ogtihiin dalkeena waxa ka jirta abaar baahsan, Insha Allaahu waxa aanu rajaynaynaa in roobabku inoo da’aan dhowaan, sida ay nolosha dadkeena iyo caafimaadkoodu muhiim u yihiin ayaa si la mid ah nolosha xoolaheena iyo caafimaadkooduna muhiim u yihiin, xoolaheena la’aantood noloshu waa adkaan doontaa, nolosheenuna iyaga ayay ku tiirsan tahay.”

Wasiirka oo ka warbixinaya qaabka ay wasaaraddu uga hawlgasho xanaanaynta xoolaha waxa hadaladiisii ka mid ahaa sidan:

“Wasaaraddani kama shaqayso magaalooyinka, laakiin waxay ka shaqaysaa meelaha xoolahu joogaan oo ah dhulka ka baxsan magaalooyinka, degmooyinka dalkana waxa u jooga shaqaale caafimaad oo waajibaadkoodu yahay daaweynta joogtada ah ee xoolaha iyo fidinta gurmadka lagama maarmaanka ah xiliyada ay dhibaatooyinku jiraan, intii ay abaartu jirtayna wasaarad ahaan waxii aanu qaban karaynay waa qabanay, todobaadkana waxa degmooyinka dalka ka bilaabmay olole lagu dawaynayo xoolaha abaartu ay dhibaataynayso.’’

Dhanka kale wasiir Cukuse waxa uu ka hadlay baahida joogtada ah ee xoolaheenu u qabaan daaqa iyo biyaha waxana uu yidhi:

“Xoolaheenu waxay u baahan yihiin in ay biyo iyo baad ku filan helaan, abaarta maanta dalkeena ka taaganina waa mid ka timid biyo la’aan iyo daaq la’aan, warbixinaha nooga imanaya shaqaalaha wasaaradda ee Gobollada dalkuna runtii waa mid laga argagagaxayo, waayo? Dalka intaa le’eg meelo yar oo gobolka Togdheer ka mid ah oo keliya ayaa lagu hayaa daaq ama caws, inta kale haday tahay xuduuda ama xeebta waa xaaluf.”

Wasiirka wasaaradda xanaanada Xooluhu waxa uu si gaar ah u taabtay sababta ay ugu yeedheen hay’adahan ay la kulmeen waxana uu yidhi:

“Labo sababood dartood ayaanu ugu yeedhnay hay’adaha aanu la kulanay, ta koobaad waa in ay gacan ka gaystaan qorshayaasha heer Qaran iyo heer wasaaraddeed ee lagula tacaalayo abaarta jirta, ta labaad ee aanu ugu yeedhnayna waa in laga wada hadlo sidii waxii hadda ka dambeeya  looga hortegi lahaa waxyeelada ay abaartu gaysato iyo sidii looga ilaalin lahaa cudurada xili roobaadada qaarkood dillaaca.”

Gebagebadii Wasiir Cukuse waxa uu sheegay inay hay’adahii ay la kulmeen ay ballanqaadeen ka qayb qaadshada gurmadka abaaraha.

bandhige@gmail.com