Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa waxa muddada xadhigooda ka yareeyey 214 maxbuus kuwaas oo ku xukunnaa xadhig dheer iyo mid gaaban.
Yareynta muddada xadhigan maxaabiisa ayaa waxay noqonaysaa tiradii ugu badnayd ee uu madaxweyne amro maalin guddaheed boqolkii sanno ee la soo dhaafay.
War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Obama uu go’aankaasi u qaatay, si uu meesha uga saaro wax uu u arkay shuruuc adag oo lagu xukumo kuwa maandooriyaha adeegsada balse aan dhibaatooyinka geysan.
Maxaabiista la filayo in go’aankan awgiis xabsiga looga sii daayo ayaa waxa ka mid 67 qof oo ku xukunnaa xabsi daa’in.
Lama sii deyn doon dhammaan maxaabiistaasi, balse qaar ka mid ah ayaa sannadaha ay xidhan yihiin laga dhimi doonaa, halka kuwo kalena loo diri doono goob dhaqan-celin ah.