Iyadoo xanuunka dunida aadka u saameeyay ee Covid-19 uu aad ugu fidayo gudaha Somaliland isla markaana tirada dadka u dhintay ay gaadheen 17 warbixintii ugu dambeeyay. waxa isa soo taraya cabashooyin ka dhan ah Ogsajiin yaraan ka jirta Cisbitaalada waawayn ee dawlada, kuwaas oo ay bulshadu ku baahinayeen baraha bulshada.
Cisbitaalada sida wayn looga qaylinayo waxaa kamid ah Cisbitaalka Hargaysa iyo Burco, kuwaas oo tiro dad ah ay u dhinteen Ogsajiin laโaan.
Dhanka kale bulshadu waxay is waydiinayaan halka ay martay qaadhaan lacageedkii lagu wareejiyay Gudida ka hortagga Covid-19 ee Somaliland.
Bandhige@gmail.com