Orodyahanka Itoobiya Xayle Gebreselassie waxa uu dhaliilay xidhiidhka oroddada dalkiisa

Orodyahanka caanka ee reer Itoobiya, Haile Gebreselassie, ayaa waxa uu dhaliilay xidhiidhka orodada ee dalkiisa.

Haile, ayaa dhaliilay sababta kooxda looga reebay orodyahanka saddexda jeer olympic-ada ku guuleysatay ee Kenenisa Bekele, si uu Itoobiya ugu matalo cayaaraha olympicada ee Rio De Janeiro.

Haile, ayaa BBC-da u sheegay in dhalashadiisu ay noqotaa khiyaari ee kooxda orodka, sababtoo ah diiwaankiisa iyo niyadiisa ayuu ku kordhin lahaa kooxdaa.

Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Itoobiya, ayaa sheegay in ay ka reebeen Kenesina kooxda Rio aadeyso sababo la xidhiidha in uusan wixii looga baahnaa gaadhin. Kenenisa ayaa sidoo kale dhaliilay go’aankaas, isagoo sheegay in aysan cadaalad aheyn oo ay tahay arrin shakhsiyadeed.

bandhige@gmail.com