Somaliland: Waa in la joojiyaa kadeedka lagu hayo suxufiyiinta

Xadhiga tirada badan ee loo gaysto suxufiiyiinta iyo kadeedka sii kordhayo ee lagu la kaco suxufiyinta iyo difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland waa ifa-faale walaac leh oo muuujinaya cadaadiska ay dawladdu ku hayso doodaha dadwaynaha iyo xorriyada hadalka, sidaas waxa lagu sheegay qoraal ay sida wada jir uh maanta u soo saareen East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project iyo Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland.

Intii u dhexeysay 25kii iyo 26kii May, sadex suxufi oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cige, Axmed Siciid Maxamed iyo Mubaarig Cusmaan Siciid ayaa loo xidhay warar ku saabsan heshiis ay Dawladda Somaliland la gashay shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World, kaas oo ku saabsan maamulka horumarinta Dekedda Berbera. Sida uu dhigayo heshiiska oo la kala saxeexday May 2016, DP World waxaay horumarin iyo dib u casriyayn ku samaynaysaa dekedda Berebra iyada islamarkaana dhisaysa kuwo cusub.

Duqa magaalada Berbera ayaa u gudbiyay Booliiska magacyada suxufiyiin baahiyay kulan uu Saleebaan Cali Khayre oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Berberi ku sharaxay in maadaama oo uu yahay wakiil ka tirsan Golaha Deegaanka inay u baahan yihiin inay dib u eegis ku sameeyaan heshiiska si ay u qiimeeyaan in dani ugu jirto degmada iyo gobolka. Maayarku wuxuu u sheegay suxufiyiinta inaanay sii dayn warbixinta hadalka xildhibaan Saleebaan Cai Khayre, wuxuuna uga digay in cidii iska indho tirta digniinta la xidhi doono.

26-kii May, maayarka Berberi wuxuu sheegay inuu bixiyay amarka xadhiga sadexda suxufiyi. Waxa la hayay laba maalmood iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, markii danbena waa la sii daayay.

29-kii May, waxa lagu xidhay Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim oo ah gudoomiyaha wargeyska madaxa banaan ee Foore, Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa (CID). Waxa lagu xidhay qoraal sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu ku leeyahay 15% saamiyada heshiiska cusub ee lala galay DP World. Wax eed ah oo si rasmi ah laguma soo eegin islamarkaana waxa loo diiday in qoyskiisu la kulmo.

Sida ay sheegtay Xarunta Xuquuqal Insaanku, intii u dhexeeysan 10kii December 2015 ilaa 1da April 2016, 11 suxufi ayaa loo xidhay hawlo la xidhiidha shaqadooda.

Iyada oo ay kaabiga inagu soo hayaan doorashooyinkii Somaliland, waxa la jooga xilligii la dhiirigelin lahaa ee la kobcin lahaa xorriyadda hadalka iyo doodaha dadwaynuhu ka yeesho danaha guud. Suxufiyiinta iyo difacayaasha xuquuqal insaanku waxay ka ciyaaraan door muhiim ah inay dadwaynaha ogaysiiyaan wixii soo kordha heer dawladeed, taas oo ugu danbaynta xoojinaysa ee aan wiiqayn dimoqraadiyadda.

March 2016 waxa la xayiray laba wargeys oo kala ah Codka Shacabka iyo Xog Ogaal halka wargeyska Hubsad uu xayiran yahay tan iyo 30kii November 2015. Tafatiraha guud iyo gudoomiyaha Hubsad waxa lagu soo oogay dacwad ciqaab ah oo lagu eedeeyey inay daabaceen wargeys aan ruqsad haysan. Xayiraadda wargeysyadan waxa lagu sababeeyey in lahaanshohooda la wareejiyay iyada oo aan ogolaansho laga haysan Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud wax awood ah uma laha hogaanka rugaha warbaahineed iyo wargeysyada. Wargeyska Haatuf wuxuu xidhan yahay tan iyo April 2014.

Dawladda Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay sida ugu dhaqsaha badan shuruud la’aan xorriyadiisa ugu soo celiso weriyaha xidhan, inay dib u furto warbaahinta xayiran islamarkaana inay ixtiraamto xaqa iyo xorriyada aragtida iyo cabiraadda aragtida ee ay damaanad qaadeen Dasuurka Somaliland iyo xeerarka xuquuqal insaanka ee heer gobol iyo caalami.

Hassan Shire

Agaasimaha Fulinta ee East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project, Kampala Uganda

Email: executive@defenddefenders.org