Xaflad il-yartu is-qabatay ayaa waxa lagu daah-furay Buugga Diwaanka Gabayadda Abwaan Faarax Nuur

 

Xaflad lagu gar-daadinayay Buug la magac baxay ‘DIWAANKA GABAYADA” oo la qorey Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Faarax Nuur Wacays ayaa waxa xalay lagu soo bandhigay Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.

Buuggan DIWAANKA GABAYADA, oo uu qorey Maxamed Cali Cabdilaahi “Saxardiid” waxa uu ka kooban yahay taariikh nololeedkii Abwaanka iyo gabayadii uu tiriyay,waxaanu Abwaan Faarax Nuur geeriyooday isaga oo 65-jir ah,waxaanu ku aasan-yahay Magaalada Sheekh Moodhle.

Munaasibadan oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka soo qeybgaleen Abwaano uu ka mid yahay Hurre walan-wal,Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cali Salaan Jirde(Cali-SHOONBE),Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Shugri Xariir, Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim “Qabo”, Abwaan Xasan Dhuxul ‘LaaB-Saalax”, Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde,Saleebaan Cumar-Ku-joog iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

Buugaan ayaa dhamaanba dadkii ka soo qeybgalay Daah-furkiisa waxa ka muuqatay dareenka Xiisa baddan ee sida weyn noo soo jiitay oo muuqaalka bilicda Buug ahaaneed ee Buugga DIWAANKA GABAYADA, oo aan ka mid ahaa Mustafe-Janaale ahaan, iyaga oo tilmaamayay qaabka farshaxanimada leh ee qoraagu dadaalka weyn ugu galay qaab qoraalka Suugaanta ku duugan buuggan,si ay ugu fududaato cidkasta oo akhrisata buuggan inay si hufan u fahmaan nuxurka suugaanta uu xambaarsan-yahay, marka loo fiirsado jawiga madashii lagu soo bandhigay Buugga waxa ka muuqatay sida ay dadku ugu bogaadinayay juhgida iyo wakhtiga uu qoraagu buugga geliyay, iyaga oo ku sifeeyey inuu soo baxay xili si aad ah loo tabayay halgamaa Abwaan Faarax Nuur oo si weyn looga yaqaanay giyiga Soomaalida oodhan.

Qoraaga Buuggan Maxamed Cali “Saxardiid” waxa uu dhashay 1948-kii oo waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa, Dugsigii Hoose, Dhexe iyo Sare-ba CTC-da.

Maxamed Caabi Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Taaraaikhdu waa qaali, waxaynu isugu nimi waa taariikh, taariikhda halkan ku xusan ee Faarax Nuur iyo intii kaleba aynu xusno oo aynu taariikhdeena muujino weeyaan.”

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cali Shoome oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

Haddii aynu is nidhaahno taariikh iyo qoraal ku soo kooba Suugaanta Abwaan Faarax Nuur kama geyoonayno, Aragti dheerida uu dheera Faarax Nuur dadkii uu wakhtigaa la noola, Gabayga kaliya ee qolada reer Galbeedku turtumeen waa ‘Ka Samaan Ka Samaan”, Faarax waxa uu ahaa hogaamiye oo waxa uu ka shaqeynayay isu soo jiid iyo mideyn umadeed, markasta wax ayuu waanin jirey….ILAAHAY ha u naxariisto Faarax Nuur oo jannada ha geeyo.”

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Aniga oo idinka mahad-naqaya sida aad caawa u sharafteen Faarax Nuur Wacay oo aan Caawa hadal-qaadkiisa halkan aan ku hayno, berigii qaraamiga la tiring jirayay ayaa waxa ku jirtay Baroor-diiqdu Maydka waa ka badh, dabadeed markaad buuggan eegto waxa kugu soo dhacysa, Baleysinku Buugga waa ka badh”, bini’aadamka inta ay aragtidiisu durugsan tahay ayaa markaad Sawirka Buugga ku sawiran ee Faarax eegto ayaad ka garanaysaa, qaabka uu u la bisan tahay ee uu cumaamada u xidhan yahay, waxa halkan ku sawiran Waysadiisi oo qori ahayd iyo tusbixii uu ku wardisan jirey oo qoriya.”

isagoo hadalkiis sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaan u mahad-celinayaa Saxardiid Cali Moode oo isagu buugan qorey haday tahay habeyntiisa iyo isku soo duba ridkiisa. Anigu waxaan aaminsanay inaanu Faarax Nuur Wacays gabaya oo kaliya ahayn,….Saxardiid Cali Madoobe Suugaantii Faarax uu bilaabay oo albaabkii aynu ka galaynay ayuu furey, ta ugu qiimaha baddan waxa weeyaan Faarax Nuur inuu ahaa hoggaamiye, Faarax Abaan-duule ayuu ahaa, dadka Xeesha dagaal dhiga ayuu ahaa, Faarax waxa uu ahaa dadka ka taliya is-bahaysiyada iyo sida la isku kaashanayo.Markaa Faarax Nuur loolan adag oo noloshiisa soo maray ayuu suugaan ka tirinayaa, Guumaysigii ayuu ka hadlayaa, Nabadii ayuu ka hadlayaa waa taariikh yaynaan u qaadanin inay maanta joogto oo yaynaan isku ximinin waxyaabihii maalintaas dhacayay Faarax wixii maalintaas la gudboonaa ayuu ka maansooday ku hogaamiyay oo uu ka tiriyay.”

Saleebaan Cumar-ku-joog oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Caawa waxaan u arkaa Xaflad qaran, oo xusuus dheer ii siinaysaa inaynu taariikh yeelanay, inaynu dad yeelanay, in raggeni la xusayo in indheergaradkeeni la xusayo, aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin dadkii soo diyaariyay ee soo uruuriyay iyo ciddii ku hawshootay, waxaad noo qabateen wax wanaagsan oo naga dhinaa.”

Waxa uu intaa ku daray:

“Faarax Nuur magaciisi muu dhiman, ee muuqiisi ayaa la waayay, dhalinyarada waxa looga baahan yahay inaad bartaan indheer-garadkooda kuwii hore iyo kuwii dhexeba, inaad barataan raggii taariikhdan aad maanta joogtaan idinku soo simay, waxa kale oo aan idinka codsanayaa SUUGAANTA haday GABAY tahay iyo haday GEEREER tahay iyo haday wax kale tahay waa Kaydka erey-bixinta Af-SOOMAALI-geena ka baadha Af-Soomaaliga, Xagaad ka odhan lahaydeen waa ‘CAADDI.”

Guddoomiyaha Komiishanka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Waa habeen farxadeed, waa habeen wanaagsan Gabayaa weyn oo Soomaaliyeed in Gabayadiisi la soo bandhigay, Gabayada iyo Maansooyinku way inaga lumi jireen, laakin haddii la bilaabay in la qoro waa arrin inoo farxada. Saxardiid Cali Madoobe wuu ku mahadsan-yahay haddii uu mar soo saaray Buuggan Faarax Nuur.”

Guddoomiyaha Guddida Horumarinta beelaha Arab Maxamed Warsame Ducaale ayaa waxa uu sheegay in ay caawa farxad weyn u tahay, maadama taariikhda Abwaanka weyn ee Faarax Nuur la soo bandhigay, waxaanu yidhi:

“Faarax Nuur waxa uu ahaa nin waddaniya, waxa uu ahaa nin Samo-talisa, waxa uu ahaa nin nabadda ka shaqeeya, Gabayadiisa, Geeraradiisa iyo Maansooyinka uu tiriyay shalay ayay jireen maanta ayay jiraan, berito ayay jiri karaan.”

Suldaan Yuusuf Muxumed ‘Xiirey” oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Caawa aad iyo aad ayaan u faraxsanay mar haddii awoowgay Faarax Nuur Buug laga qorey lagu soo bandhigayo,Faarax Nuur waxa uu ahaa Hogaamiye aragti-dheer oo meel fog wax ka arka, oo nabada jecel iyo isku duubnaanta jecel, oo dadka walaaha ahi inay wax wada-qabsadaan jecel, oo wax ku cabira caqligiisa iyo aqoontiisa oo waxay ka muuqataa Gabaygiisa. Faarax marka ugu danbeysa waxa uu ahaa nin wax iska-celiya oo beeshiisa difaaca ayuu ahaa.

isagoo hadalkiisa watana waxa uu yidhi:

“Geedkii uu talada ku hayay Faarax ee uu fadhiyi jirey Masaajid ayaa laga dhisay oo ILAAHAY ayaa la damcay ee aynu Masaajidkaas saddex dabaq aynu ka dhigno, qaar ka mida waddooyina Somaliland ha loo bixiyo, oo waddada Baligubadle iyo Hargeysa isku xidhaysana ha loo bixiyo magaca Faarax Nuur.”

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaan salaamayaa Qoraaga Buuggan Maxamed Cali (Saxardiid) oo aan Xus iyo Xasuus u hayaa, waanan ku faraxsanay inaan ka soo qeybgalay madal diwaanka faarax Nuur lagu soo bandhigay,Kooxdii wakhtigaa uu faarax Nuur jirey joogtay waxa uu ahaa Iftiin, waxa uu ahaa awood, waxa uu ahaa ileys, Af-Soomaaliga imika suuqdiga u batay waxa uu buuggani u yahay dawo fara baddan.”

Wasiir Kuxigaanka Wasaarada Maaliyada Axmed-Nuur Shaacir oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Gabayga Faarax Nuur waxa uu ahaa nooc minal waxyi,.. Dagaal laabta ka ogaada waxa lagu nasakhay Nabad laabta ka ogaadaa.”

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Horta waxa muhiima in Buuggaa DIWAANKA GABAYADA ee Faarax Nuur la iibsado oo la dhiirigeliyo Qoraaga Buugga iyo Shirkadda Daabacday. Suugaanta iyo qoraalku waxay u baahan yihiin in xoog loo dhiirigeliyo oo da’ayarteena lagu dhiirigeliyo, oo buuggan inta aad loo daabaco uu meelkasta uu yaalo oo la dhigo Laybareeriyada iyo Iskuullada, Waxaan qaadan doonaa 100-buug oo DIWAANKA Gabayada Faarax Nuur, sababta aan u qaadanayaana waxa weeyaan inaan dhiirigeliyo qolooyinka kale ee meesha jooga. Faarax Nuur 
Wacays ILAAHAY ha u naxariiste waxaan u arkaa inaanu ahayn oo kaliya Gabayaa, inuu yahay nin hogaamiye ah, inuu yahay ni dagaal-yahana oo abaan-duule ah, inta baddan way adag tahay inuu qof intaas oo hibooyin isku helo, Hadaad eegto Faarax Nuur Wacays,waxa uu la mid ahaa raggan Qowdhan Ducaale, Cali Jaamac Haabiil, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Ismaaciil Mirre.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaan aad ugu faraxsanay Buugiisi DIWAANKA GABAYADA ee Faarax Nuur oo lala raagay in maanta la qorey oo la soo saaray, Faarax Nuur waxa uu ahaa nin indheergarad ah, waxaan leeyahay Faarax Nuur waa inaynu wax baddan ka baranaa waa kii Cabdi-sinimo yidhi ‘Wixii la qoraa Quruumo hadhee muxuu hadal qiimo leeyahay, waxaan aad ugu faraxsanay in Faarax Nuur sidan oo kale loo sharfo, kuwa kale ee inaga dhintayna waa in sidaas oo kale loo sharfo.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo masuuliyiin kale ayaa halkaasi ka hadlay ayaa waxay dhammaantood ku tilmaameen in ay caawa farxad weyn u tahay mar haddii la soo bandhiga Gabayaddii Faarax Nuur.

Faarax Nuur 2 Faarax nuur 3 Faarax Nuur

bandige@gmail.com