Qaramada Midoobay waxay amaantay xabad joojinta ka hirgashay Suuriya

Xabad joojin ku meel gaadh ah oo ka hirgashay Isniintii oo ku beegnayd Ciidal Adxada ayaa waxa ammaanay sida wanaagsan ee ay uga dhaqan gashay xabad joojintaas guddaha Suuriya, sidaasna waxa sheegay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Staffan de Mistura.

Waxa kale oo uu tilmaamay in muhiimadda hadda ay tahay in kolonyo gaadiid oo gargaar sida la gaadhsiin doonaan bariga magaalada Xalab, halkaas oo mucaaridku ay maamulaan.

Staffan De Mistura waxa uu hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva.

Balse, wasiirka Arrimaha dibedda ee Suuriya ayaa sheegay in ogolaanshiya la’aan aanan gargaar la gaadhsiin karin Xalab.

Sida ay soo tebinayaan lllo wareedyo ku sugan guddaha magaalada Xalab ayaa waxa la arkayey carruur dibedda u soo baxay oo jidadka ku ciyaarayey kadib markii xabad joojintu dhaqan gashay.

Iyadoo ay xabad joojintu dhaqan gashay ayaa waxa uu Ruushku ku eedeeyey mucaaridka in ay sameeyeen labaatan carqaladood tan iyo intii ay dhaqan gashay xabad joojintu, balse maamulka Maraykanka ayaa waxa uu isku dayayaa in uu xakameeyo ururada uu taageero.

Afhayeen u hadlay Maraykanka, Mark Toner, waxa uu sheegay in Ruushka iyo Maraykanku ay si wada jir ah u eegayaan sii socoshaha xabad joojinta.

bandhige@gmail.com