Qunsulka Dawladda Turkiga u fadhiya magaalada Hargeysa ayaa markii u horeysay faahfaahin ka bixiyay inqilaabkii ka dhacay dalkiisa iyo mawqifka ay Somaliland ka qaadatay hay’ada Nile Academy oo lagu xidhiidhiyay inqilaabkaas.
Isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Jiilashada soo socdaa way xasuusan doonaan dhacdadan, sidii cadow, cadowgii ugu xumaa, waayo dadkani waxay weerareen dadkayagii.”
Sidoo kale waxa u qunsulku ka hadlay go’aanka dawladda Somaliland ku shaacisay in aanay ka eryi doonin waddanka dugsiga waxbarashada ee Nile Academy oo uu leeyahay Fathullaha Gulen oo xukuumadda Turkigu ku eedaysay inqilaabkaas.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka shirkan jaraa’id ee qunsulku qabtay: