Taariikhdu markii ay ahayd 12-kii bishii lixaad ee 2016-kii, waxa magalada Hargeysa gaar ahaan xarunta Guddida Diwaangalinta Xisbiyada Somaliland ka bilaabantay dhagaysiga dacwada garabyada UCID ee Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, kaas oo ay hore dacwadoodu u gudbiyeen garabka Jamaal Cali Xuseen.
Muranka Faysal iyo Jamaal ayaa waxa uu ku salaysnaa, kadib markii uu Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu shaaciyey in aanu Jamaal Cali Xuseen musharax ka ahayn xisbiga UCID.
Haddaba doodii iyo dacwadii u dhaxaysay Eng. Faysal Cali iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta (shalay) Guddida Diwaan galinta ururada Siyasada ee Somaliland wax ay kasoo sareen go’aan rasmiya kaasi oo dhammaan warbaahinta laga sii daayay.
Haddaba markii aan akhriyay go’aankaasi iyo sida uu u dhignaa ayaa waxa aad dareemaysaa in guddida diwaangalinta lafteedu qodobada ay soo saareen aanay noqon karin kuwo sidii la rabay arrintan xisbiga xal u keeni kara.
Haddii aynu qaar kamida qodobadasi soo qaadano, waxaa inoo muuqanaysa in qabyo badani ay ku jirto go’aankaasi, wakhtigan xaadirkana ay adkaan karto in labada dhinac sida go’aanka loo soo saaray ay ugu hoggaansamaan, god daloolada go’aanka ka muuqda aawadood.
Inta aanan guda-galin go’aanka guddida iyo dhaliisha aan isleeyahay waa ay ka muuqan kartaa go’aankaasi, bal waxyar horta aynu dul istaagno Xeerarka Xisbiga UCID iyo marxaladaha uu soo maray .
Taariikhdu markii ay ahayd 18-kii bishii todobaad ee sannadkii 2001-kii waxa la qabtay shirwaynihii lagu aasaasay Xisbiga Cadaaalada iyo daryeelka, shirkaasi oo ka dhacay xarunta Guriga Shaqaalaha ee Hargeysa, wakhtigaasi waxa isla goobtasi lagu ansixiyay in uu Xisbigu yeesho 19 Qodob oo loo arkayay in ay yihiin kuwo hawsha Xisbiga ku filan.
Taariikhdu markii ay ahayd 27-kii bishii todobaad ee 2006-kii waxa kaabis iyo wax ka badal lagu sameeyay qodobadii Xisbiga aasaaska u ahaa iyada oo laga dhigay 23 Qodob.
Taariikhdu markii ay ahayd 4-5/7/2012 kuna beegnayd shirwaynihii 3-aad ee Xisbiga, waxa kaabis iyo wax ka badal saddexaad lagu sameeyay Qodobadii Xisbiga asaaska u ahaa iyada oo markan laga dhigay 40 Qodob.
Xeerkaasi u danbeeyay ee soo baxay 2012 waa xeerka iminka ay qodobadiisa u cuskadeen Guddida Diiwan galinta Xisbiyadu, kuna booriyeen in labada garab ee Faysal iyo Jamaal ay ka duulaan Xeerkaasi kuna jaan-gooyaan shirarkooda.
Waxa kale oo iyaduna jirta in Taariikhdu markii ay ahayd 28/10/2912 isla maalintaasina ay ahayd maalintii Jamaal Cali Xuseen loo doortay Musharaxnimada Xisbiga ucid.
Waxa maalintaasi golahii dhexe ee xisbiga ee sharciga ahi uu ahaa 181 qof, waxa iyada oo aan la garanayn sharci loo raacay laga dhigay shirkana lagu galay Jamaal iyo ku-xigeenadiisana lagu doortay tira dhan 300 oo qof oo ergooyina oo meel ay xeerka Xisbiga kaga taala aanay jirin, waana waxyaabaha muranka dhaliyay raga qaarna ay food-saaradana ka dhigteen.
Aynu isoo noqono Guddida Diwaan galinta iyo go’ankii ay soo sareen, isla, markaana bal aynu qodobo ka mida dul istaagno :-
Guddidu waxa ay si cad oo aan gabasho lahayn ay u laashay Musharaxnimadii Jamaal Cali Xuseen, wax kale oo iyana ay meesha ka saartay Guddoomiye Xigeenkii saddexaad Cali Guray.
Waxa ka mida go’aankii guddida in Xisbiga UCID labadiisa garab ay qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn muddo dhan shan iyo afartan cisho guddahood, ka bilaabmaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/7/2016ka.
Haddaba qodobkani waxa uu dhallin karaa marka laga tago muddada iyo wakhtiga shirka lagu qabanaayo, khilaaf kale oo ka yimaada dhinaca sharciga gaar ahaan shirka golaha dhexe ergada ka qayb galaysa iyo tirada ay tahay.
Xeerkii u danbeeyay ee Xisbugu ansixiyay 2012-kii waxa uu qodob kiisa 12-aad, farqadiisa 3 aad,waxa ay cadaynaysa, in ergeda shirwaynaha aan caadiga ahayni ay tahay ergadii u danbaysay ee ka qayb gashay shirkii u danbeeyay ee 2012-kii.
Haddaba su’aaasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay, tirada golaha dhexe ee ay guddida diwaangelintu ay carabaabtay waa 181 xubnood waa sax, balse haddaba waxa uu cadaynayaa sharciga iyo Xisbigu, sida 181 ay ku yimaadeen.
Waxa uu sharciga Xisbigu leeyahay:-
Golaha dhexe ee Xisbigu waxa uu guud ahaan ka kooban yahay 181 taasi oo tiro dhan 161(Boqol iyo kow iyo Lixdan) xubnood lagu ansaxiyey Shirweynihii xisbiga, 20 Laabatanka Xubnoodna ay kayd ahaayeen, kaasi oo Shir-weynuhu awood u siiyey Guddoomiyaha (Faysal) in uu soo magacaabo.
Haddaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay maxay ayaa laga yeelayaa 20 labaatankaa xubnood ee uu Guddoomiyaha sharcigu u cadaynaayo in uu isagu soo xulo, taasi oo uu sharci cadaynayana u haysto.
Waxa kale oo meesha ku jira in sharciga Xisbigu ku dhisan yahay in tixgalinta wayn la siiyo, taas oo guddida lafteedu aanay ka hadal, balse meelaha qaar ay cuskadeen in dib loogu noqdo xeerarkii sharciga, waxa kaliya ee sharciga Xisbiga wax ka badali karta talo bixin muhiimana kasoo jeedin kartaa waa Maxkamada sare.
Sidaa awgeed waxa meesha ka muuqanaysa in labada garab Jamaal iyo Faysal ay mar labaad isula soo baxaan xeerarkii iyo shuruucdii xisbiga u taalay ee ay awalba ku muran sanaayeen, taaso dhallin karto in in Xisbiga Ucid doorashada uu ka hadho sannadkan kiiskiisuna uu u gudbo Maxkamad sharciga.
Si kale haddii aan u eego waxaaban isleeyahay malaha go’aankan muhiimada u wayn ee laga lahaa waxa ay ahayd in Jamaal Cali Xuseen, loo sheego in aan hore sharci loogu dooran, balse haddana lafteedana waddo dhuxuleed la qabadsiiyay.
Haddii aynu dhinac kale ka eegno go’aanka guddida ee u dhignaa in labada garab ay waxkasta ka sinaadaan, haddiiba xataa ay taasi suura gasho, ay dhacdana in labadii garab tiro iyo tayaba ay kala badin wayaan, taas macnaheedu maxay ayuu noqonayaa, mise sida kubbada ayaa rigoore loo dhigayaa.
Waxa kale oo go’amadii Guddida ka mid aha in dhammaan hawl-wadeenada Xisbiga loo yeesho sisiman oo cidina anay kala badsan, in lacagta shirka ku baxaysa si siman loo wada bixiyo, balse ma u muuqata in guddidu go’aamada caynkaasi ah soo saartay in ay tahay mid si xeel dheer uga fikirtay arrintan xisbiga.
Waxa kale oo go’aamada guddida ka muuqata in aanay marnaba soo hadal qaadin Guddoomiyenimada Faysal Cali Waraame, taasi waxa ay ku tusin kartaa in aasaaska xisbiga loo aqoonsan yahay Eng Faysal Cali Waraabe, Jamaal Cali Xuseenna uu u muuqdo mid si yar daaqada uga baxaya.
Waxa kale oo arrinta sii cuslayn kara, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u muuqda in uu yahay nin ka rajo dhigay, qaab siyaasadeedka aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, diyaarna aanu u ahayn in uu mardanbe wax siyaasada saaxiib kula noqdo Jamaal.
Sidoo kale waxa iyana meesha ku jirta Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen oo ka ficil qaatay Faysal iyo qaabkan uu ula dhaqmaayo, kuna tashaday sida isaga iyo saaxibadiiba ka muuqata in ay Faysal kula gorgortomaan awooda Xisbiga.
Guntii iyo gaba-gabadii, go’aankan guddidu waxa uu u eeg yahay mid ku ekaaday awoodi sharci ee ay u lahaayeen in Xisbi caynkan oo kala ah ay arrimahiisa xal ka gadhaan, taasi oo laga dheehan karo go’aamada aan nuxurka badan lahayn ee kasoo baxay.
Madaama siyaasada iyo aasaaska xisbiyada dalka ka jiraa ay ku qotomaan Qabiil iyo qolo, waa ay fiicnaan lahayd in ay soo dhex galaan odayaasha dhaqanku, balse taasi lafteeda ayaad modaa in si loogu kala qaybsan yahay labada siyaasi.
Sidaa awgeed waxa aan isleeyahay arrinta Xisbigani ka fursan mayso in ay si toos ah Maxkamadda sharciga usoo faragaliso isla markaana go’aan adag lagu kala saaro murankan xisbiga ka dhex oogan.
khadar-aar.blogspot.com
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Khadar Ibraaahim Aaar