Rabshad ka dhalatay askar Yuhuud ah oo masjidka Al-aqsa gudaha u gashay

Rabshado ballaadhan ayaa ka soconaya agagaarka masjidka Al-Aqsa kadib markii ciidan Israa’iiliyiin ah oo tiro badani ay gudaha u galeen masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa.

Sarkaal ka tirsan booliska Israa’iil ayaa sheegay in askartani ay masaajidka gudaha u galeen kadib markii rag dhagaxaan la dhacay ay baxsadeen kadibna galeen Al-Aqsa si ay ugu nabadgalaan.

Dadweyne Falastiiniyiin ah oo gadoodsan ayaa goobta ku soo xoomay si ay u waxyeeleeyaan askarta gudaha u gashay masaajidka, hase ahaatee Yuhuudda la deegaameeyey iyo boolis kale oo Israa’iiliyiin ah ayaa u soo gurmaday kuwaas oo adeegsaday sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo bambooyin aan waxyeelo lahayn laakiin argagax badan.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa falkan cambaareeyey, wuxuna ku tilmaamay in ay tani tahay gardarraddii u dambaysay ee Falastiiniyiinta uga timid xukuumadda Israa’iil.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com