Rabshado hadheeyey kulan uu lahaa Donald Trump

Kadib markii ay rabshado hadheeyey kulan uu lahaa musharaxa ugu cadcad Jamhuuriga ayaa waxay boolisku xidhay dhowr qof markii ay boolisku kala dhex galeen taageerayaasha.

Musharaxan ayaa waxa uu dadweynaha kula hadlayey koonfurta gobolka California.

Muraayadaha baabuurta booliiska qaarkood ayaa waxaa jebiyey dadweyne cadheysan, waxaana dhaawacmay dhowr qof, ka hor inta aanay booliiska dib usoo celin xasiloonida.

Goor sii horreysay oo khamiistii ahayd ayaa Donald Trump waxa uu weerar ku qaaday musharaxa xisbiga dimoqraadiga Hillary Clinton, isaga oo sheegay inaysan wax fursad ah haysan, marka laga reebo in ay ciyaarta ku dheelayso kaadhka haweenka si ay u noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madaxweyne Maraykanka.

Trump ayaa u sheegay telefishinka ABC NEWS:

โ€œHaddii Clinton aysan ahaan lahayn haweeney, xittaa ma aysan haysan lahayn fursad ay ku qabato xilka gole deegaan.โ€

Cod bixinta raโ€™yiga ayaa muujineysa in Clinton ay cel-celis ahaan sagaal dhibcood ka horreyso Trump, haddii labadooda ay noqdaan labadan musharax ee ku loolamaya doorashada Madaxweynaha ee bisha Noofambar.

bandhige@gmail.com