Ruushka oo gantaalaha xambaara nukliyeerka keenay xadka waddamada NATO

 

Waddamada Yurub qaarkood gaar ahaan Poland iyo Lithuania ayaa si weyn uga qayliyey gantaalaha Ruushka ee xambaara nuklieerka oo xukuumadda Ruushku keentay deegaanka Kaliningrad oo ka tirsan tirsan dalkeeda laakiim dhul ahaan ka go’an oo ku yaalla meel u dhaxaysa Poland iyo Jarmalka.

Xukuumadda Polan ayaa ficilkan ku tilmaantay “mid halis ah” halka xukuumadda Lithuania ay sheegtay in laga yaabo in Ruushku jebiyey heshiiskii caalamiga ahaa ee nuklieerka.

Gantaalahan ayaa la sheegay in ay si sahlan u duqayn karaan magaalo-madaxda Jarmalka ee Beerliin iyo caasimado muhiim ah oo ku yaalla bariga iyo galbeedka Yurub.

Xukuumadda Ruushka ayaa xaqiijisay warkan laakiin waxay tibaaxday in aanay jirin sabab macquul ah oo ay waddamadaasi u werweraan.

“Ruushku hubkan hore ayuu u keenay Kaliningrad marar dambena wuu keeni doonaa. Ujeeddada hadda loo soo dhaqaajiyeyna waa tabobar ee maaha gardarro” ayaa lagu yidhi weedh-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xukuumadda Ruushka.

Gaashaanbuurta NATO ayaan weli war ka soo saarin ammuurtan.

Tan iyo markii uu qalalaasuhu ka bilaabmay dalka Yukrayn sannado ka hor waxa sii xumaanayey xidhiidhka u dhexeeya Ruushka iyo dunida galbeedka iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen cumoqabatayno dhinaca dhaqaalaha ah.

Sidoo kale, xukuumadda Ruushka ayaa marar dhawr ah ku eedaysay in Madaxweyne Barack Obama dib u soo nooleeyey dagaalkii qaboobaa ee dhammaaday 1989-kii.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com