Hay’adaha Qaramada Midoobay ee gargaarka ka shaqeeyaa waxa ay leeyihiin laba weji oo aad u kala duwan; mid togan, iyo mid taban. Kuwa hore waa dad nafahooda iyo waqtigooda u huray u gargaaridda dadka tabalaysan. Waxay si halyaynimo leh u joogaan meel kasta oo ay darxumo ku lasoo gudboonato aadamaha. Waa tusaalaha hagrasho la’aanta iyo maaraynta wanaagsan oo arrin kasta waxay u maraan hab iyo hanaan sugan oo aan laga weecan marnaba.
Wejiga taban oo kaas hore aadka uga gedisani waa ka qalin shubashada, habayacsantaanta maamul, iyo Ku takrifalka hantida deeqbixiyayaashu ay uga deeqaan dadyawga baahan. Wejigan gurracani waa ka badanaaba aad ka arkayso habdhaqanka hay’adaha QM iyo INGO caalamiga ee lacagaha iyo deeqaha kala duwan ku urursada magaca Soomaaliya. Hay’adahaasi waxa ay adeegsadaan habab iyo farsamooyin heerkoodu sarreeyo oo ladhisay si loo suurtogeliyo dhicitaanka lacagaha loogu talogalay mashaariicda horumarinta iyo gargaarka degdegga ah ee Soomaaliya.
Sida la og yahay in kabadan 25 sannadood hay’adahaas xarumahoodu waxa ay ahayd Nayroobi, kenya, markastana waxa ay sabab ka dhiganayeen in Soomaaliya aysan dawladi kajirin, amni la isku haleeyaana aanu xitaa soo muuqan. Sidaas waxay ay ku banaysteen si xun u isticmaalka deeqaha Soomaaliya lasiiyo.
Tusaale ahaan sanad walba Soomaaliya waxaa loogu deeqaa lacag gaaraysa hal bilyan oo doolarka Maraykanka ah. Lacagtani, marka laga reebo in yar oo aan la sheegi karin, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ayaa ay soo martaa. Dadka iyo hay’adaha sida dhaw ula socda habdhaqanka hay’adahaasi waxa ay tilmaamaan in lacagtaas deeqaha ah qiyaas ahaan boqolkiiba labaatan (20%) keliya, ama shan meelood hal meel oo keliya ay gaarto Soomaaliya. Hambadaas Soomaaliya hay’adahu u tuuraan, xaddiga dadka loogu talogalay sida tooska ah u gaarta ayaa iyana u kuurgalkeeda u baahan. Waxaase hubaal ah in qadar badan oo lacagtaas ka mid ah iyana lagu isticmaalo kharashaadka hay’adaha ee wadanka gudihiisa. Taasi waxa ay ku tusinaysaa in calaamad su’aal saaran tahay guud ahaanba waxtarka hay’adahaasi u leeyihiin umadda Soomaaliyeed ee magaceeda lagu dawarsanayo.
Haddaba isweeydiintu waa: Xaggee ayay martaa afarta meelood (80%) soo haray? Jawaabta oo gaabani waxay tahay Nayroobi ayaa lagu cunaa. Hay’adaha Qaramada midoobay iyo kuwa aan dawliga ahayn ee caalamiga ah oo xarumo waaweyn ka yagleeshay waddanka Keenya ayaa shaqaalahooda, xafiisyadooda iyo hawlahooda inta badan ka socotaa Nayroobi. Waa yaab, hay’ado raba inay Soomaaliya u shaqeeyaan ee Kenya. Marka xog la helo, amakaagu wuu dhamadaaye, Keenya sababta ay isugu dhajinayaan waa iyaga oo gacan xor ah u helaya burburinta lacagta Soomaaliya loogu tologalay iyo weliba dawladda Kenya oo u arkaysa in dhaqaalahan intiisa badan wadankeeda galo.
Waxaad ogtihiin in dadka Soomaalidu u taqaan qalinshubatadu ay yihiin kuwa hal abuurnimo u dhashay oo si fudud u dhaca cidda ay rabaan; hay’adahanina kuwaas kama duwana oo waxay si farsamadeedu sarrayso u nidaamiyeen oo dhisteen habkii ay weligood ugu tagri fali lahaayeen deeqda Soomaaliya ee ayaan darada Soomaalidu ay gacmaha u gelisay.
Deeqaha ay hay’adahan gacanta ku hayaan intooda badani waxa ay ku baxdaa kharashaad sida mushaharooyin aad u mug weyn iyo gunnooyin leh magacyo kala duwan oo lasiiyo dad ay ugu yeereen khubaro – laakiin aad ugu dambaynta ugaaanaysid inay yihiin kuwo aqoontoodu hoosayso oo kayimid dalalka hore u maray oo nolosha ka dhacay iyo kuwa Kiinyaati ah oo ay ku shaqaystaan. Layaabi maysid hadaad aragtid shaqsi ku leh 12,000 USD (labo iyo tobon kun oo doolar) ayaan bishii qaataa.
Kharash kale oo jirku ka dubaaxinayo sida loogu dhuminayo xaqa maatada ayaa ah lacagta ku baxda safarada iyo isgaarsiinta. Diyaarado gaar ah ayay ku safraan horjoogayasha hay’adahani. Hadaad Land Cruiserrada tirada badan ee ay isdaba dhigaan la yaabi jirtay, wax badan ayaa kuugu laaban heerka ay uu gaarsiisan yahay kutagrifalka deeqaha Soomaaliya lasiiyo ee ay hay’aduhu ku kacaan. Duulimaadyada diyaaradaha loogu kala goosho Nayroobi, Mogadisbu, Hargeysa, Kismayo, Baydhabo, Garoowe ee hay’adahaasi u kiraysani waxa a jaahwareer ku ridaan shaqaalaha garoonada diyaaradaha. Dabcan, haddii ay Muqdisho, Hargeysa, Garoowe ama Baydhabo ka samaysan lahaayeen Xarumaha ay Nayroobi ka dhigteen qarashkan badankiisu meesha ayuu ka bixi lahaa. Lacagtaasina waxaa lagu qaban lahaa wax lataaban karo. Laakiin taasi ma aha mid marna ugu jirta qorshaha.
Intaas kuma eka hagardaamadoodui. Hay’adahani waxay howl iyo dadaal geliyaan sidii ay raadkooda u tirtiri lahaayeen, sida cid kasta oo hanti dhacday. Waxaa iyana qorshaha ugu jira marwalba maaweelinta iyo qancinta deeq bixiyayaasha oo iyana waqti aan yarayn ay geliyaan. Nasiib wanaag, waxaad mooddaa in xariifnimadoodu ay kashifto marar badan. Hay’adahaasi waxa ay daabacaan warbixinno lagu farayaraystay oo ay ku qancinayaan deeqbixiyayaasha si ay u sii wadaan bixinta lacag ay ku mabeen. Marka aad akhrido warbixinahaas shaki gelin maysid inay yihiin kuwo loogu talogalay in ay indhosarcaad ku ridaan deeqbixiyayaasha.
Kuli mushkila cinda geel ayay Soomalidu tidhaahdaaye, hannaankan xatooyada ah ee nidaamsan waxa fududeeyay waa in dadkii loo shaqaynayay laga soo fogaaday oo Nayroobi xarun u noqotay dhamaan hay’adahii iyo doorkii laxisaabtan ee dawladda iyo dadka Soomaalida oo meesha kamaqan. Maqaalo kale oo joogto ah ayaan kaga warami doonaa hagardaamooyinka hay’aduhu ku hayaan umadda Soomaaliyeed anaga oo ka eegayna dhinacyo kala duwan.
Waxa Qoray: Khaalid M.Rooble