Saddex xisbi waxay ku heshiiyeen in Madaxweynuhu go’aan ka gaadho saami qaybsiga kuraasta Golaha wakiiladda

Kulanka Afraad oo ay isugu yimaadeen saddexda xisbi qaran kuna falanqaynayeen saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada. Iyada oo ay shirgudoominayeen Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka (APD) iyo Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee (SONSAF). Waxa shirgudoonku saddexda xisbi qaran u soo bandhigay taariikhdu markay ahayd 23-kii July 2016, saddex tallo oo kala ahaa:

  1. In doorashada Golaha Wakiilada lagu gallo habkii lagu qeybsaday kuraasida 2005-tii.
  2. In doorashada Golaha Wakiilada iyo saami-qeybsiga kuraasida lagu saleeyo iyada oo la sameeyo tirro koob qaran (national census)
  3. In saddexda xisbi qaran ka gaadhaan go’aan qaran oo midaysan habka saami-qeybsiga kuraasida Golaha Wakiilada

Sidaa darteed, kulankii qabsoomay 27-ka Bisha July 2016-ka waxa dood dheer kabacdi saddexda xisbi qaran tallo ay iskugu noqdeen kadib waxa ay soo jeediyeen in aanay hayn wax go’aan ah oo ay ka qaadan karaan arrinta saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiillada. Sidaa daraadeedna, waxa ay soo jeediyeen in tallada dib loogu celiyo Madaxweynaha Somaliland. Waxa ay isla gaadheen sadexdan qodob ee hoos ku xusan:

  1. In arrinta saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada dib loogu celiyo madaxweynaha, isla markaana Madaxweynuhu go’aan kama dambays ah ka gaadho arrinta saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada iyo doorashada Golaha Wakiilada ee qorshaysan in ay qabsoonto bisha March 2017-ka,
  2. Waxa la isla qaatay in sadexda xisbi u hogaansamaan go’aanka uu Madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland.
  3. In Akaadamiga Nabada iyo Horumarka (APD) iyo Dallada Ururada Bulshada (SONSAF) ay ku illaaliyaan sadexda xisbi qaran fulinta qodobada lagu heshiiyay

 

Saxeexayaasha:

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Guddoomiyaha xisbiga Waddani                         _________________________

 

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye                                    ________________________

 

ENG. Faysal Cali Xuseen

Guddoomiyaha xisbiga UCID                             _________________________

 

 

Markhaatiyaal:

 

Maxamed Faarax Xirsi

Agaasimaha Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta (APD)

 

______________________

 

Maxamed Axmed Maxamuud

Agaasimaha Dallada Ururada Bulshada (SONSAF)

 

_______________________