Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta dhammaad sannadkan.
Iyadoo la muujinaayay midnimo xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah, ayaa fiidkii Talaadada, waxa senator-ka Vermont Bernie Sanders, oo Hillary kula tartamey doorashada xisbiga dhexdiisa aheyd,waxa uu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.
Waxay aheyd taageero lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sanno ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is reereebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.
Seygeeda Bill Clinton, ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, isagoo sheegay sababaha ay tahay in Hillary bisha Noofambar ee soo socota loogu codeeyo in ay noqoto madaxweynaha Maraykanka.
Hillary Clinton, ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee musharax u noqota mid ka mid ah xisbiyada waaweyn ee taariikhda Maraykanka.
Doorashada Madaxtinimada Maraykanka ayaa waxa ku tartami doona Hillary Clinton oo ay Dimuqraadigu u doorteen in ay tartanka ka qayb gasho iyo ninka ganacsadaha ee nacaybka weyn ku u muujiyey Muslimiinta iyo muhaajiriinta ku sugan Maraykan ee Donald Trump oo xisbiga Jamhuurigu u doorteen in uu u tartamo jagada Madaxweynimada Maraykanka.