Safarka Axmed Muumin Seed ee Burco ma ololihii Madaxweyne-ku-xigeenka Waddani baa

Gudoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed in ka badan muddo laba todobaad ku sugan Burco, balse shaacin ujeedada safarkiisa ayaa waxay sheegayaan illo wareedyo ka agdhowi in uu bilaabay sidii uu hanan lahaa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka Waddani ee doorashada soo socota.

Sidoo wararkaa ayaa waxay sheegeen in Axmed Muumin Seed la arkayey isagoo shirar hoose la galayey qaybaha kala duwan ee dadweynaha Burco.

Dhanka kalena waxa uu Axmed Muumin Seed uu maalmihii u danbeeyay kulamo gooni gooni ah la yeelanayay Xubnaha Golaha Dhexe eeย  Waddani ugu jira beelaha gobolka Togdheer kuwaas oo codsiga u dhiibanaya ay ahayd in Cirro ka sokow codka ay siiyaan si uu ugu guulaysto kursigaasi oo ay cidhiidhi galiyeen murashaxiin kale oo ay isku deegaan yihiin.

Inkasta oo aanay jirin warar rasmiya oo kasoo baxayay shirarkaasi in ay xubnuha iyo odayaasha beelaha uu la shiray ay ka aqbaleen codsigaas iyo in kale, ย haddana wali Axmed Muumin Seed kama rajo laaban in uu ka tago Burco isagoo rajaynaya in uu Kalsooni buuxda ka qaato xubnaha Golaha dhexe ee Waddani.

Si kastaba Xaalku ha ahaadee xisbiga Mucaaradka ah ee waddani ayaa shaaciyay In bisha Tobnaad ee sannadkan uu qabsan doona shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga kaas oo lagu dooranayo murashaxiinta Madaxweyne iyo ku-xigeen ee xisbigaasi uga qaybgalaaya doorashada la filaayo in bilowga sannadka dambe (2017) Ka dhacdo dalka.

Waxaana tan iyo xiligii la cayimay shirweynahaasi laga dhex dareemayay xisbigaasi olole iyo guux balaadhan oo loogu jiro kuraasta ugu sareysa xisibiga, In kastoo uu ย gegi cad uu yaala xisbiga Murashaxa Madaxweyne in uu noqdo Guddoomiye Cirro, balse waxa gorgortan iyo cidhiidhi galay murashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbigaas oo ay ku tartamayaan rag miisaan culus ku leh Gobolka Awdal.

bandhige@gmail.com