Sheekh Aadan-siiro oo ka hadlay in bulshadu qiimayso qofkeeda qiimaha leh

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi โ€œAadan-Siiroโ€ ayaa ka hadlay shakhsiyaddii Alla ha u naxariistee Marxuum Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo uu ku tilmamaay dadka faro ku tiriska ah ee wanaagga ku sifaysnaa ee Alle ka dhaliyey ummadda reer Somalialnd.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi โ€œAadan Siiroโ€ Oo khudbadiisii shalay ee salaada Jimcaha uu ka jeediyey masaajidka Xawaadle ayaa ku soo qaatay shakhsiyadii iyo taariikhdii uu lahaa Alla ha u naxariistee Marxuum Sheekh Xil. Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka mid ahaa golaha Guurtida Somaliland, kaasi oo habeen hore ku geeriyooday Hargeysa isla markaana shalay Jimcihii aas qaran loogu sameeyey xabaalaha xeedho ee waqooyiga Hargeysa, Aadan-siiro oo ka hadlaya taariishka Sheekh Khaliifna waxa uu yidhi:.

โ€œIllaahay haw naxariistee xalay [habeen hore] waxaa geeriyooday Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal, oo aqoontayda markaan ku cabiro kamid ahaa dadka kooban ee u dhashay wadankan Somaliland ee haldoorkooda culimada dhifta ah ee aqoontoodii hore iyo dadka maanta jooga ta lagu hoggaamiyo aqoon badan u lahaa.โ€

Sheekh Aadan Siiro isaga oo faahfaahinaya aqoontii uu u lahaa marxuumka waxaa uu intaa ku daray:

โ€œWuxuu ahaa shakhsiyad karti badan, ururin badan, ummada maanta joogtana ee culimo leh, ee ganacsade leh, ee suldaan iyo caaqilba leh ee dadka lagu tilmaamo inay yihiin inta waxna xidha waxna gunuda, wuxuu ahaa marxuumku dadka ugu mudan. Sifooyinka uu Marxuum Sheekh Khaliif lahaa dartood ayaa markii la ii soo sheegay geeridiisa xalay [habeen hore] saddexdii habeennimo waxaan ka diyaariyey geeridiisa khudbad kooban oo aan ku tilmaamayo qofnimadiisii iyo kaalintii uu isaga iyo dadka kale ee lamidka ah ee muslimiinta ahba qiimaha ay islaamka ku leeyihiin taabanaysa. Waxyaalaha layaabka badanleh ee uu lahaa marxuumku waxaa kamid ahaa markii Hargeysa, laga qaxay dadkii hawdka tegey baan ka mid ahaa ee dadkii markaa u ololaynayay waddanka in la xoreeyo la shaqaynayay. Sheekh Khaliif waxaa uu kamid ahaa dadkii dhifta ahaa ee ku suntanaa halganka, nin caalima ah oo xigmad badan buu ahaa o marka wax laysku qabsado u ila bixiya, kaasi oo mararka qaarkood si sharci ah ugu ilo bixiya, mararka qaarkoodna si caqli iyo xikmadi ku jirto ugu ilo bixiya. Haddii bani aadamku wax ku sifoobo, sifada maanta laga laโ€™yahay culimada, tujaarta, sifada maanta laga laโ€™ yahay inta aqoonta sheegata iyo sifada laga laโ€™ yahayba ummada kuwa maanta hoggaamiya, isagu ehel buu u ahaa.โ€

Waxaanu intaa ku daray isaga oo sii wada tilmaamaha uu marxuumku lahaa iyo kaalinta uu qarankan dhismihisa ku lahaaba:

โ€œwaxaas maanta aynu hadhsanayno ee dilaal iyo malaal iyotaajirba loo wada xaydan yahay ee nin waliba dhinaciisa goosanayo, wuxuu [Marxuum Sheekh Khaliif] ahaa dadkii Illaahay awoodda u siiyey in uu wada helo, laakiin ka maarmay. Run ahaanna sifooyinkii aan ku arkay intii uu noollaa, maanta kuma hayo inta joogta oo dhan, waana sifada kamaqan maanta inta la doonayo in ay ummada hoggaamiso. Miyaad is leedihiin Sheekh Khaliif gaadhi muuraacin isaga oo maanta boqol jir ku dhintay oo cibaado u ambobaxay.โ€

Aadan Siiro waxaa uu khudbadiisa shalay kaga warramay muddo nus qarni ku dhaw oo uu ku dhex jiray cilmiga, dhacdooyin la isku qabtay fasirkooda xilli uu ku sugnaa magaalada Xarshin, masโ€™allooyinkaas oo Marxuum Khaliif uu ku tilmaamay in uu bud dhig u noqday jid bixintooda,waxaanu Sheekh Aadan yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

โ€œAfartan sannadood muddo ku dhaw ayaan ahaa dadkii cilmiga iskaga dhex jiray, aqoontaydu nooca ay doonto ha ahaatee ee wax ka akhriyey taariikhaha la soo maray wixii lagu soo jabay iyo culimadii khayrka lahayd kuwii hore iyo kuwii dambeba wax ka akhriyey. Waxaa jirtay masโ€™allooyin la isku qabtay annagoo Xarshin joogna, magaalladaas oo xilligaas xudun u ahayd bari iyo galbeed la iskaga gudbayo waqtigii halganku socday. Culimo dhawr ah oo ku sugnaa masaajid waqtigaas aan wax ka akhriyi jiray, oo masaajidka ugu weyn magaallada ahaa markaas ayaanu Sheekh khaliif ugu yeedhnay dadka si uu dadka uga qanciyo masโ€™alladaas. Taasoo fasirkeeda ay dadku sideed iyo toban daqiiqo dhagaysanayeen Sheekh Khaliif.โ€

Waxa uu Sheekh Aadan Siiro u soo jeediyey tallooyin iyo dardaaran ummadda reer Somaliland, waxaan ka mid ahaa talooyinkaas:

โ€œWaar walaalayaal dadkiina wanaagsan qiimeeya oo kaalmeeya oo bilaash xayte-yaasha ha ku habsaamina. Innaga yaa ugu been badan oo ugu warqaad badan oo dadka isku dira oo habeenkii dadka muโ€™aamaradeeya?. Kaasi waa ka aynu fariidka u naqaano. Ninka innoogu maskaxda badan leh, ee innoogu raganimoda badan leh waa ninka ugu muโ€™aamaraadka badan leh ee dadka qaybiya ee isku dira ee u kala sheekeeya, kuwaas ayaa aynu u naqaannaa haldoorka marka wax la kala goynayo loo baahan yahay.โ€

Gunaanadkii khudbadiisa waxaa uu Sheekhu ka digay shirqoollo uu sheegay in ay hayโ€™adoย  kamid ah kuwa dalka ku sugani ay ku dabar goynayaan tafiirta, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œImmika maanta Hargeysa, hayโ€™ado dhan baa waxay ka shaqeeyaan in dumarkeena dhalmada laga joojiyo, iyadoo ay soo taagan yihiin kuwii aqoonta sheeganayay iyo wadaadadii iyo tujaartiiba, waxa laysku haystaana waa ilmahaas madax madow ee alle innoogu deeqayo oo intaas oo barnaamij oo laga fikiray la yidhaahdaa hayโ€™ad baa waxaas qabanaysa.โ€

Xigasho: Hubaal Media Group

bandhige@gmail.com