Qaramada Midoobay oo cambaareysay hadallada Donald Trump

Madaxa Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobeey ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday musharaxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump, oo haatan u  tafaxaytay in uu u tartamo jagada Madaxweynenimada Maraykanka, balse intii aanu gaadhin tartanka uu hadda ku kacay xadgudubyo ka dhan ah bani-aadamnimada.

Sioo kale waxa uu eedeeyey Donald Trump sida uu u taageersan yahay in Muslimiinta si gaar ah loo dabagalo.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Cleveland, halkaas oo dadka ku nool ay bisha Juley dooran doonaan Musharroxooda, Amiir Zeyd waxa uu tilmaamay in eexda iyo munaafaqnimada aysan cadeyn u ahayn hogdaan wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in hadallada naceybka aysan ahayd wax lagu majaajileysto ama madadaalo ah.

Hore ayaa waxa uu dhalleecayn badan kala kulmay musharaxa madax kale duwan balse tan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu dambeysay ee uu la kulmo Donald.

Cambaareynmahan ayaa waxay wiiqi karaan ololaha xisbiga Jamhuuriga gaar ahaan kuwa Donald trump.

bandhige@gmail.com