Doodda musharaxiinta xisbiga Dimoqraadiga

Musharaxiinta madaxtinimada xisibiga Dimoqraadiga ee dalkan Maraykanka ee kala ah, mudanaha ka tirsan aqalka Senate-ka ee laga soo doorto gobolka Vermont iyo xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka Hillary Clinton ayaa xalay doodi ku dhex martay magaalada New York, ka hor in aanay gobolkaasi toddobaadka soo socda ka dhicin tartanka hor-u-dhaca ah ee xisbigaasi.

Labada masuul ayaa hadallo adag isku weydaarsaday dooddoodii xalay taaso uu midba kan kale suโ€™aalo ku weydiinayay.

Sanders, oo dhowaan sheegay in Clinton aanay u qalmin in ay Madaxweyne noqoto, ayaa sheegay in Hillary ay leedahay khibrad ay ku qaban karto xilka madaxwenenimada, laakiin uu suโ€™aal ka keenay sida ay wax u qiimeyso.

Clinton ayaa ku eedeysay Sanders in uu wado olole uu been kaga sheegayo. Clinton ayaa sheegtay in dadka reer New York ay laba goor iyada u doorteen sanatar madaxweyne Obama uu u magacaabay in ay noqoto xoghayaha Arrimaha dibedda.

Tartanka musharxiinta xisbiyadda Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa waxa uu marayaa meel aad u xamaasadaysan oo dooduhu ay yihiin qaar aan waxba laysku hambaynay.

bandhige@gmail.com