Sida aynu ka warqabno, muddooyinkii dambe, waxa dekedda Berbera ka socday dhaqdhaqaaqyo lagu ballaadhinaayo baaxadda dekeddeed iyo weliba dib-u-habeyn iyo casriyeyn laga wado gudaha dekeddaasi, isla mar ahaantaana ay hormuud u yihiin fidinta iyo ballaadhinta dekeddaasi Maareeyaha dekedda Berbera Inj. Cali Xoor Xoor iyo Cumar Abokor oo ah laba halyey oo ku suntanaan doona horumarka iyo taariikhda dekedda Berbera.
Korodhka dhaqdhaqaaq ganacsiyeed iyo weliba sida oo kale soo jiidashada xidhiidho ganacsi oo Somaliland la yeelato dalalka jaarka ah iyo kuwa caalamkaba, ayaa halbowle u ah suurto-gelinta iyo in la helo barxado ballaadhan oo dekaddu ay ugu adeegto ganacsatada kala duwan ee guddo iyo dibadba iskaga kala goosheysa adeegsiga dekedda Berbera.
Beryihii hore, may suuro-geli jirin in dekedda Berbera ay ku soo xidhaan wax ka badan Laba Leyn(Laba Markab), sababta oo ah dekedda Berbera hore waxa kaliya oo ay ugu koobneyd Laba dekaddood(Barxaddood) oo ay dhiseen dalalka Mareykanka iyo Ruushku, waana sababta maanta keentay in Maareeyaha dekedda Berbera iyo ku xigeenkiisu ay keenaan hindisaha ah in la qaabeeyo siddii ballaadhin looggu sameyn lahaaa dekedda Berbera si loo yareeyo mashquulka faraha badan iyo weliba cidhiidhiga wakhtiyada wax la dhoofinaayo(Export) ee dekedda Berbera.
Xidhiidho ganacsiyeed
Mar kasta oo ay sii fiddo sida oo kalena la ballaadhiyo barxadda dekedda Berbera, waa suurto-galnimada xidhiidho ganacsi oo ka abuurma adeegsida barxadaha waaweyn ee ay sida hufan ugu soo xidhan karaan Maraakiibtu, sida oo kalena aanay marnaba u dareemayn mashquul iyo cidhiidhi toona. Sida oo kalena waxa macquul ah ay ku soo hirtaan dalalka jaarka ah iyo kuwa shisheeyaba, isla mar ahaantaana ay ku soo dhiiradaan adeegsida dekedda Berbera oo fursad weyn innoo ah guud ahaan qarankeena Somaliland.
Yareynta mashquulka iyo cidhiidhiga Dekedda
Ballaadhinta dekaddu, waxa kale oo ay ka qeyb-qaadanaysaa yareynta mashquulka iyo weliba sida oo kale cidhiidhiga xaga dekedda, maadaama oo hore ay dekaddu ugu koobneyd oo qudha, dekeddahii ay innoo dhiseen dalalka Mareykanka iyo Ruushku, waxaana hindisahan cusub ee lagu ballaadhinaayo dekaddu uu innoo sahlayaa in dekedda Berbera ay hal mar ku soo xidhan karaan illaa 10 Markab oo kuwa waaweyn ah, halka markii hore ay ku soo xidhan jireen laba Markab ama Laba Leyn oo kaliya.
Ballaadhinta dekaddu, waxa kale oo ay sahlaysaa in uu yaraado cidhiidhigii dekedda gaar ahaan xilliyada la dhoofinaayo Xoolaha(Export), sida oo kalena ay Xoolaheenu noqdaan kuwa ugu badan ee u dhoofa dalalka Carabta.
Korodhka badeecadaha
Dekedda Berbera ballaadhinteenu, waxa kale oo ay hal-bowle u tahay oo ay sii firfircooni gelinaysaa xaga ganacsiga badeecadaha, taasi oo sahlaysa in la helo barxaddo ballaadhan oo lagu keydiyo ama lagu dejiyo Kontinerada lagu sido badeecadaha kala duwan, maadaama oo wakhtiyaddii hore aan la soo adeegsan jirin Kontinerka, balse hada badeecadaha kala duwan ee Maraakiibtu siddaa ay u badan yihiin kuwo Markabkan dhexdiisa iyo Khaanadahiisa lagu soo cabbeeyey.
Korodhshaqaale iyo koboc dhaqaale
Qodobkan ugu dambeeya ee aynu ku eegeyno faaโiidooyinka ballaadhinta dekedda Berbera, ayaa iyaguna ah kuwo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee faaโiidooyinka tooska inaga soo gelaayo ballaadhinta lagu sameynaayo dekedda Berbera. Waxaana ballaadhinta dekaddu ay u baahanaysaa shaqaale dheeraada oo ka hawl-gala, ku waasi oo inaga kaafiyi kara nolosha qoysaskooda sida oo kalena kafeyn kara biilinta qoysaskaย ay ka soo jeedaan, waxaana ay tahay fursad mar kale nolol fiican dhaxal siisay kuwo aan hore dab u shidan jirin oo ileysku u bixi doono.
Dhaqaale, fiican ayaa isna aynu ka saadaalinaynaa in uu halkaas ka abuurmo, waxaanaย aan shaki marnaba ku jirin, in mar kasta oo uu bato dhaqdhaqaaqa dekaddu, korodhka badeecadaha iyo xidhiidhada ganacsiba ay innoo abuurayaan koboc dhaqaale oo aad u badan, kaas oo aynu ku qabsan karno waxyaabo badan oo nolosheena bulsho ahaan kor u soo qaadaya.
Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)
khadargurayte@gmail.com
Berbera/Somaliland