Shir-deegaameedkii Qalloocan lagu qabtay oo la soo gabagabeeyey war murtiyeedna laga soo saaray

Shir ay qabsadeen bulshada deegaanka Qalloocan (Sanbuur) ayaa la soo gunaanaday waxana laga soo saaray go’aano.

Shirku wuxu furmay 21kii Ogost, wuxuna diirrada saaray arrimaha horumarinta ee deegaanka Qalloocan, waxana ka qayb-galay aqoonyahan, salaadiin , cuqaal, dhallinyaro, siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada gole baarlamaan.

Hoos ka aqriso qodobada shirka ka soo baxay:

 

  1. Shirku wuxu go’aamiyey taabbo-gelinta  iyo ku-dhaqanka diinta Islaamka
  2. Shirku wuxu si buuxda u ayidayaa jiritaanka Somaliland yahay lama taabtaan.
  3. Shirku wuxu isku raacday horumarinta degaammadeeda sida; caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo wixii la halmaala.
  4. Shirku wuxu go’aamiyey xoojinta nabad-gelyada isla markaana ugu baaqaysaa xukuumadda iyo beelaha Somaliland, adkaynta nabadgelyada iyo in laga foojignaado meelna looga soo
    wada jeesto cid kasta oo wax yeellaynaysa.
  5. Sidii caadada u ahayd, beeshu waxay xoojinaysaa in ay kula dhaqanto dhamaan beelaha kale ee Somaliland deriswanaag iyo walaaltinnimo.
  6. Beesha deegaanku waxay go’aansatay in ay doonato mansabyada ay xaqa u leedahay ee heer qaran, heer gobol iyo heer degmoba
  7. Waxay beeshu ugu baaqaysaa xukuumadda, beelaha Somaliland iyo hay’adaha ay khusaysaba in la ilaaliyo  degaanka lagana hortago wax kasta oo dhibaato ugeysan kara sida, gubista, goynta dhirta iyo wixii la halmaala.
  8. Beeshu waxay ka soo horjeeddaa in si gaar ah loo ooto dhulka xoolo-daaqeenka ah ee ka dhexeeya bulshada.

Jiif Caaqil Axmed Xasan Saliid oo ka soo jeeda deegaanka qalloocan ayaa dhammaadkii shirka warbaahinta la hadlay. Wuxuna sheegay in xukuumaddu ay ka gaabisay wax-ka-qabashada baahiyaha ka jira deegaanka sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

Bandhige@gmail.com