Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee ku sugan qaybta ay fallaagadu gacanta ku hayso ee magaalada Xalab ee dalka Suuriya, ayaa sheegay in diyaarado qummaati u kaca oo dawladdu leedahay ay ku duqeeyeen magaalada haamo ay ku jirto neefta sunta ah ee chlorine.
Qof ku sugan bariga magaalada Xalab ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay, boqol iyo labaatan kalena ay ku waxyeelloobeen.
Dawladdu waxay dib u cusboonaysiisay go’doomintii buuxday ee ay ku haystay Xalab, Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in Suuriya uu haatan ka taagan yahay dagaal ba’an oo soo laba kacleeyay.
Xigasho BBC Soomaali