Suxufi caan ah oo ka tirsan ragga is qaba ayaa Hargeysa safar ku yimid

 

Anderson Cooper oo ka tirsan suxufiyiinta Maraykanka ugu caansan isla markaana si cad u qirta in uu yahay ragga wax ka daya ragga ee afka qalaad loo yaqaan “gay”  Soomaaliduna u taqaan “khaniis” ayaa dhawaan safar shaqo ku yimid Hargeysa.

Sida uu ku daabacay barta uu ku leeyahay Twitter wuxu yidhi: “Safar shaqo ayaan ku imid Somaliland.”  

 

Anderson Cooper in Abaarso 4

Mareegaha Soomaalida qaarkood ayaa qoray in uu Somaliland u yimid in uu warbixin ka diyaariyo horumarka ardayda Dugsiga Culuumta Sayniska iyo Tiknoolojiga ee Abaarso oo ku dhawaad 60 arday oo ka mid ahi ay ku guulaysteen in ay jaamacadaha adduunka waxbarasho sare ka helaan. Isaga qudhiisuna wuxu kaga hadlay shir-saxaafadeed uu ku qabtay Hargeysa isaga oo ay weheliyaan wasiirro iyo madax kale oo xukuumadda ka mid ah. Halkan ka daawo.

Wararka qaar aanaan weli xaqiijin ayaa tibaaxaya in xukuumadda Somaliland ay ku soo casuuntay dalka. Lama oga in xukuumaddu ka war haysay arrimihiisa shakhsiga ah iyo in uu ka tirsan yahay ragga khaniisiinta ah.

Sida ay qorta jariiradda caalamiga ah ee New York Times, Cooper waa suxufiga ugu caansan ee ka mid ah suxufiyiinta “gay-ga” ah.

Anderson Cooper wuxu u shaqeeyaa Telefishanka Caanka ah ee CNN wuxuna inta badan jeediyaa barnaamijka la yidhaa 360 degree.

2-dii July 2012 ayuu qirtay in uu yahay ragga ragga u taga ama loo tago. Wuxuna yidhi:

“Muddo dheer ayaan qarinayey in aan ahay “gay”, qarintaasi waxay igu keentay isku-buuq iyo in aan qarinayo wax aan fiicnayn taas oo aan sax ahayn. Waxan ka mid ahay ragga isu taga, waligayna waan ahaa, waanan sii ahaan doonaa”

Jariiradda Daily Mail warbixin ay ka diyaarisay maalintii uu Anderson Cooper qirtay in uu yahay “gay” halkan ka akhriso.

Anderson Cooper Gay

Anderson Cooper wuxu Somaliland joogay laba maalmood ka hor intii aanu Axaddii shalay dib uga dhoofin. Meelaha uu booqday intii uu safarka ku joogay Somaliland waxa ka mid ah Dugsiga Culuumta Sayniska iyo Tiknoolojiga ee Abaarso, halkaas oo uu kula kulmay maamulka jaamacadda iyo xubno ka mid ah ardayda.

Qaar ka mid ah dhallinyarada Somaliland ayaa maanta barta Facebook-ga eedo ugu soo jeediyey xukuumadda iyagoo aaminsan in ay habboonayd in suxufi dhaqanka caynkan ah leh aan loo oggolaan in uu dalka yimaad.

 

Bandhige@gmail.com