Ururka HYDA waxa uu tababar xirfadaha ah u soo xidhay 20 dhallinyaro ah

Ururka Waddaniga ah ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano HYDA ayaa waxa tababar u soo xidheen 20 dhallinyaro ah oo baranayey xirfadaha ciladka saarka iyo wastaadnimada.

Xaflada xidhitaanka tatabarkan oo ka dhacday xarunta dhaqanka ee SOCSA ayaa waxa dhallinyaradan loo qaybiyey qalabkii ay u shaqo tagi lahaayeen.

Tababarkan ayaa waxa uu socday muddo afar bilood ah kuwaas oo ay ku qaateen casharo ku saabsan kooraska ay qaadanayeen.

Ardayda baratay tababarka cilad-ka-saarka moobilada iyocambuutarada aya waxa iyaga loo qaybiyey agab dhamaystiran oo ay shaqo ku bilaabi karaan, kuwaas oo iskugu jira miis iyo qalabka ay ku shaqeeyaan wakhtiyad ciladaha ka saarayaan moobil ama combuyuutar.

Mashruucaan shaqo abuurka dhallinayarada ayaa waxa uu wax weyn ka tari doon shaqo laโ€™aanta baahsan ee haysata dhallinyarada.

Dhallinyaradii baranaysay xirfada wastaadnimada ayaa waxa badi ka shaqo galeen shirkadda dhismaha Arabay Construction taasi oo markii hore lagu geeyey in ay ku dabaqaan xirfadii ay barteen.

Ururka HYDA ayaa hadda iyo jeer waxa uu ka shaqeeyaa mashaariicda dalka waxtaraya, ee taabanaya min fiqiir ilaa taajir.

IMG_4940 IMG_4952 IMG_4970 IMG_4955 IMG_4980 IMG_5025

bandhige@gmail.com