Sheekadii Tahriibkii iyo tah-lukadii aan galay, Q4aad (WQ: Qareen Khadar Aar)

Mid ka mid ah dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiibooyinkaasi ayaa isaga oo iiga sheekaynaya halaagii iyo dhibatadii badnayd ee uu soo maray xiligii uu safarka tahriibka ku soo jiray ilaa Afrika iyo Badaha.

Intiinii sheekada qaybtii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhallinyarada ahaa iyo dhammaan akhyaartii ay tahriibka isku barteen soo galeen waddanka Suudan. Isaga oo sheekada inoo wada waxa uu yidhi :

Saacadu waa tobankii habeenimo, jawiga magaalada Khartuum waxa uu marka ila ahaa mid aad u kulul, waxa aanu wada soconaa dhallinyaro aanu isku baranay jidka, balse dhallintan aan hadda la socdaa maaha kuwii aanu isku qorshaha ahayn ee aanu Addis-ababa kasoo wada baxnay, balse sidiisaba qorshaha tahriibku maaha mid ku tala gal’leh, hadba cidda ay dantu ku raaciso ayaad iskala rafiiq noqonaysaa, waxa tahay baal dabayli sido.

Markii aanu magaalada soo dhex galnay ayaa waxa markiiba noo yimi nimankii Mukhalasiinta ahaa ee dhallintan horboodayay kadibna waxa nala geeyay guri, waxa naloo keenay cuntooyin, waxa nala siiyay meel aanu jiifsano, waxaa kaloo nalagu caawiyay talafoon ay lacagi ku jirto si aanu ula hadalno dadkii aanu ka nimi iyo waalidiintii.

Dhallinyarooy soo dhawayntan Mukhalasiinta iyo waxyaabahan ay nagu caawinayaan ha u qaadan Illaahay dartii ee dantooda ayaa ku jirta, dhallinyarow ogsoonow nimanka Mukhalasiinta ahi marna arxan kuu gali mayaan naftaada waxa kala qaalisan shilinka ay kaa helayaan.

Waxa kale oo aan ogaaday in ay nimanka Mukhalasiintii ay jecel yihiin qofka badda ku dhinta, balse ay neceb yihiin qofka ka badbaada dhibaatada Badda, sababta oo ah waxa ay ogyihiin in qofkaasi geerida ka badbaaday uu ka sheekaynaayo dhibaatada ay dhallinyarada ay ku hayaan Mukhalasiintu isaga oo qof qof u magacaabaya.

Akhristaw talafonkii ay mukhalasiintu noo dhiibeen si aanu waalidkayo ula hadalno waxa aan ahaa qofkii ugu horeeyay ee talafoonka gacanta ku dhiga kadibna waxa aan si kadisa ah u raadiyay meeshii aan ku qoray lanbarkii saaxiibkaygii qaaliga ahaa ee joogay waddanka Norwey, kaasi oo ahaa ninkii igu qalqaaliyay in aan soo tahriibo isaga oo ii balan qaaday in uu si fiican ii gacan qaban doono maalinta aan soo gaadho dalka Suudaan.

Waxa aan garaacay lambarkii saaxiibkay cabbaar markii uu dhacay ee aan arkay in aan la qabanayn ayaan waxa aan ka fikiray in uu saaxiibkay seexday ama uu mashquul yahay, anoo ku niyad san in uu igu soo celin doono marka uu arko in lanbarkani uu yahay Suudaan, maadama aanu ku balan sanayn in Suudaan marka aan soo gaadho aan lasoo hadlo.

Wakhti yar ka bacdi ayaan hadana talafoonki ku celiyay, waa uu dhacayaa laakiin cid-qabanaysaa ma jirto, mararka qaar waxa aan is idhi malaha lambarka ayaa ka qaldan, kadibna markasta dib ayaan u hubiyaa, ma jiro wax lambar ah oo haba-yaratee iga qaldani, ma garanayo waxa isbadalay.

Runtii qabasha la’aanta talafoonk aad ayay ii calool xumaysay, waayo waxa aan ogaa in saaxiibkay uu ahaa mid aniga dhankayga igu qaali ah, waxa kale oo meesha ku jiray isaga oo saaxiib kay ahaa ninkii igu qalqaaliyay safarkan.

Saaxiibayaal markii aan ka quustay talafonkii saaxiibkay waa aan iska seexday madaama aan daalanaa, kadibna waagii ayaa baryay qofkastaba waxa uu galay qorshahiisii safar, waxaa halkan agtayda heshiisyo ku wada galayaa Mukhalasiintii iyo dhallinyaradii, kuwaasi oo badankeedu sita lacagtii ay safarka Suudaan kaga bixi lahaayeen, balse anigu wax lacaga oo aan sitaa ma jirto, saxiibkaygii aan ku soo talagalayna waa kaa aan ku hungoobay.

Waxaa iga xasuusina qofkasta oo dhallinyaro ahna aan kula talaniyaa yaan laysku halaynin saaxiibka xun, ha ku tashanina saaxiibkay ayaa tahriibka iga saaraya oo nafta ii huraaya, waxa aan ogaaday in dhallinyarada Soomaalida badankeedu %99 ay saaxiib ku yihiin sheekada iyo qosolka khiyaaliga.

Asxaabey waa maalintii labaad, waxa sidoo kale baryay waagii, waxa aan damcay madaama aan saaxiibkay ku hungoobay in aan la hadlo Waalidkii idhalay waxa aan garacay talafonkii Aabahay uu sitay, Ilayn Hooyo waa beere nasiib wanaag waxaa markiiba talafonka iga qabatay Hooyo.

Markii ay codkaygii garatay ayaa waxa ay ku celcelisay!! !Hooyoโ€ฆHooyoโ€ฆโ€ฆHooyo ma nooshahay, kumee miya lagu xidhay waa sidee xaalku, Hooyo iyo Aabe kala calool jilacsane waxaa markiiba hadana talafoonkii igala hadlay Abahay isaga oo hadalkii ku biilabay:

โ€œWaar yaahe halkeed qabatay, miyaad tahriibtay, waar way inoo tahay, canaan waalid ceeb malaha.โ€

Intaa markii aanu Aabahay is waydaarsanay ayaan ku idhi Aabo dhib majirto ee talafonka Hooyo iigu dhiib, waayo waxa aan ogahay in Hooyo maantoo kale aanay cidlo igaga tagayn, inkastoo go’aanka iyo gurmadkaba uu Aabe leeyahay balse Hooyo xaalkeeda qofna loo sheegi maayo.

Akhristaw halka marka uu marinaayo sheekada wiilkii dhallinyarada ahaa ayaa waxa si lama filaana uga timi Ilmo iyo Oohin, waayo waxa uu dareemaya xanuunkii soo maray xiligii xumaa ee tahriibka, waxa uu ka damqaday calool xummo wayna ku beertay lugooyadii saaxibkisii talafonka ka qaban waayay.ย Waa kan isaga oo sheekadii inoo wada:-

Dhallinyaroy marka aynu arimahan oo kale aynu galayno waa ay inla fududahay waxa aanay inla tahay ciyaar ciyaar, balse marka ay runi run gaadho, waxkastaba waa ay isbadalayaan, waxaana ku hor imanaya xaqiiqda jirta.

Markii aanu wada hadlay waalidkay fajac iyo amakaag kadib, waxa aan ka codsaday in ay si dhakhsa ah lacag iigu soo diraan, aniga oo horeba ugu ogaa in aanay jirin wax lacaga oo qayska aan ka dhashay uu haysto boqol Doolarna Alla ha ka yeelee, reerkayaguna uu ahaa mid ilaa xad faqiir ah, waxa aan Hooyaday uga xaal waramay meesha aan joogo iyo xaalada aan ku sugan ahay.

Hooyaday iyo Aabahay waxa ay u tafa-xayteen in ay meel uun lacag iiga radiyaan, waxa ay u tageen oo danta iyo aniguba aanu ku khasabnay baryada iyo yaboohida dad aanay waxba waydiisan jirin, waxa ay gacanta hoos dhigteen isla markaana ay baryeen dad quudhsaday, waxa ay ka ag baroorteen oo llmada hortooda iskaga tir-tireen dad cadaw ah oo marnaba aan il-naxariisle aan tusin.

Maalintaasi oo dhan Hooyaday iyo Aabahay waxa ay u ahayd wareeg iyo socod, kuwaasi oo ay gacmo madhan iyo hungo kala huleelay dadkii ay wax waydiisten, murugadii iyo ciilkii goor habeenima waxa ay Hooyaday kusoo noqotay gurigii iyada oo aan waxba ii soo helin. isla sidasi oo kale waxaa isna soo hadh-galiwaayay Aabihii i dhalay.

Goor habeenimo ah ayay guriga isugu yimaadeen Hooyo iyo Aabe midkastaba waxa uu midka kale u sheegay in aanu wax adduuna soo helin, waxa ay isla garab fadhisteen murugada iyo ciilkii aan baday.

Hooyo iyo Aabe midna hurdo dhaban ma dhigin habeenkaasi waxa uu waagu ugu baryay ka fikirka iyo falanqaynta halkii ay lacag iiga heli lahaayeen.

Waxaa baryay waagii, Aabo iyo Hooyo midina isaga oo aan quraacan ayaa uu gurigii ka jarmaaday, ma jirto iminka cid gaar ah oo ay isleeyihiin waxbaad ka helaysaan, balse waxa ay ku socdaan Illaahay dartii iyo ducada oo ay badiyeen, iyaga oo markii horana ahaa dad Salaad sax ah.

Dhibta labaad ee meesha taala waxa ay tahay inta badan dadku wax iskuma siiyaan Illaahay dartii, balse waxa dhacda in wax lagu amaahiyo, haddiiba Aabo iyo Hooyo ay lacag isoo Aamahan lahaayeen waa ay adag tahay in dadka ay lacagta ka amaahanayaan ay aqbalaan in lacagta intan leeg ay bixin karaan qoyska aan ka dhashay, madaama lagu og yahay faqiirnimo ilaa xad ah.

Isla maalintii labaadna waxa ay kusoo dhaceen hungo iyo wax-la’aan, maalintii saddexaad ayaa Aabo iyo Hooyo waxa ay ku tashadeen in ay u tagaan iyaga oo wada jir ah amaahna ay ka raadsadaan nin aanay aqoon isu lahayn, Ninkaasi oo ah nin wadaad ah kana mida dadka dhallinyarada aadka uga wacyi galiya tahriibka, markii ay u xaal warameen Illaahay idimkii ninkii waxa uu ka ogoladay in uu lacag siiyo isla markaana aanu dayn kaga dhigin.

Waxaa si dhakhso ah la iigu soo diray lacagtii aan dalbaday, waa wax lagu farxo ama lagu yididiisho marka adoo halkaas oo kale maraya dhaqaale aad dalbatay dhakhso laguu soo gaadhsiiyo, balse haddana farxadaydu waa mid kala dhantaalan waayo waxa aan dareemaya caqabadaha iga horeeya.

Iyada oo xaalkaygu halkasi maraayo, hadana lama ogo xaalku si uu ku danbayn doono.

Gurigan aan joogo waxa ku nool dhallin aad ugu dhibaataysan Suudaan lacag la’aanina ay ku hayso, cid wax usoo dirtayna aanay jirin amma aan lahaynba Waalidiin, balse lacagtii yarayd ee la ii soo diray guntiga ayaan gashaday cidna umaan juuqin.

Waxa aan u diyaar garoobay safarkii Saxaraha ee dhinaca Liibiya, waxa aan bixiyey lacagtii tahtriibka ee Suudaan ilaa Liibiya, waxa aan qayb ka noqday dhallinyarada loo sheegay in ay baritoole baxayaan.

Sheekada la soco wali fari kama qodna dhibta u wayni haday bilaabmaysa.

la soco qaybta 5 aad.

warwanaag.blogspot.com

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar