Madaxwayne Axmed Maxamedย Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Jonathan Starr oo ah aas-aasaha dugsiga Abaarso Tech eek u yaala tuuladda Abaarso ee dhacda dhinaca galbeed ee Hargeysa, oo ay weheliyaan koox warfidiyeeno ah oo ah kuwa soo saara barmaamidka lamagac baxay 60 daqiiqo (60Minutes) ee Telefeeshinka caalamiga ah ee CBS oo xaruntiisu tahay Waddanka Maraykanka, kuwaasoo uu horkacayo Henry Schuster.
Madaxweynaha ayaa ugu horaynba bilaabay ereyo uu ku soo dhawaynayo aas-aasaha Abaarso Tech iyo warfidiyeenka la socday, waxanu sheegay inuu dugsiga abaarso tech uu hayo dalka shaqo muhim ah, ugana mahadnaqayo ardayda ilaa hadda ka qalin jebisay dugsigaasi oo qaarkood nasiib u heleen, inay ku biiraan jaamacadaha ugu caansan dunida iyo kuwa haatan ku jira ee wax ku baranayaba, isagoo intaa raaciyey inuu dugsigu ardaydiisa u suurtogelinayo inay noqdaan kuwo wax la qaybsada facooda dunida horumartay.
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Somaliland iyo dhinaca nidaamka dawladnimo, waxaanu yidhi:
โSomaliland waa dal dimuquraadiya, oo ku dhaqma nidaamka dunidu ku dhaqanto iyo xeerarka caalamiga, oo ay ka jirto nabadgelyo iyo xasilooni taam ahi, waxanan ku rajo weynahay in aad dunida u sheegi doontaan, waxa wanaagsan eed naga aragteen mudadii aad ku sugnaydeen dalka, haddii aad tihiin warfidiyeenkan dalka soo booqday.โ
Warfidiyeenadan ayaa dalka ka diyaarin doona barmaamijyo ay kaga hadlayaan qadiyada Somaliland, kuwaasoo la filayo inay daawadaan dad lagu qiyaasay in ka badan 60 malyuun.
Waxa isna kulanka ka hadlay, aas-aasaha dugsiga abaarso tech Jonathan waxanu ku dheeraaday in uu ka mahad sheegtay sida ay dawladu u gacan qabatay dugsiga uu aas-aasay, waxaanu yidhi:
โMadaxweyne, waxan kaaga mahadnaqayaa qaabilaada aad nagu qaabishay xafiiskaaga, waxa kaloon kaaga mahadnaqayaa sidii muddadii todobada sanno ahayd ee uu dugsiga abaarso Tech jiray aanu gacan uga helaynay, xukuumadda, iyo shacbiga Somaliland oo noo suurtogeliyey inuu dugsigaasi hana qaado Ardayda ka soo baxaydaana ย noqdaan kuwo caalamiya oo ka qaybgala waxbarashada jaamacado caan ka ah dunida.โ
Markii fadhigu soo dhammaaday waxa saxaafada la hadlay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo Aas-aasaha Abaarso Tech Mr. Jonathan.
Xubnaha ka qaybgalay kulanka, waxa ka mid ahaa Maamulaha Iskuulka Abaarso Tech, James Linville, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, iyo Afhayeenka Madaxtooyada.
Halkan hoose ka daawo muqaalka kulanka Madaxweynaha: