“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 13aad.

Dhudi, uma bilawna qorshahan loola yimi, maxaa yeelay waa sannadkii saddexaad ee ay joogto magaaladan, waana markii kowaad ee ay la kulanto cid sidan u danaynaysa. Sidaas darteed, ayay u qaadatay in labadan nin ay iyana ka maadsanayaan. Waxa keliya ee ay afartii sano ee u dambeeyay ka fekaraysay, welina ka fekeraysaa waa curadkeedii Cali-mahad. Goortii gabbalkii dhacay, oo ay ood-rogadii soo rogteen, ayay Jinaw, oo iyadu dareensan in fursaddii Dhudi ku heli lahayd curadkeedii ay muuqatay, oo haddii labadan nin ay ka dhab tahay xiloodintu, oo ay Dhudi reer cusub yeelato, ay heli karto curadkeedii, ayaa Dhudi ku tidhi “Eeddo, labo tallaabo dhexdood-ba talaa ka dhalatee, haddii nimankan warku ka dhab yahay, kii ilaahay isku kiin khayro, waad guursan” “In Shaa’ Allaahu, inankaagii Cali-mahadna, marka aad baro iyo bayd yeelato, wuu kuu iman, oo waad weheshan” ayay u raacisay. Dhudi, markii ay intaa maqashay, ayay sidii qof laga dul-qaaday dabool, oo iminka baraarugay dareenkeedii u soo wada jeedisay Jinaw. Aragtay Jinaw, in dareenkii Dhudi is-beddelay! “Eeddo, halkan ayaad ka heli nabsigii ku helay, oo aad ku nasane, anigaa nimanka baadhaya, haybtooda iyo halkay ka yimaaddeen iyo ninka haatan ku raba. Kolkaa, adigu af-kaaga laba liire saar, oo ila joog, inta warku inoo caddaanayo” ayay Jinaw ku tidhi. “Waa yahay eeddo” ayay Dhudina ugu hal-celisay.Sidaa ayay habeenkaa ku seexdeen.

Dhudi, caawa wer-werkii ay Cali-mahad ka qabtay, waxaa u dheer warkan kale, oo ay sixi la’dahay sugnaantiisa, iyo sidii ay ka yeeli lahaydba. Wax kasta waxaa Dhudi kaga weyn, in ay mar uun dib ula midowdo curadkeedii Cali-mahad, oo ay weheshato. Waxay aad isu weydiinaysay, oo ku qanacsanayd in marka ay ogaadaan inaad carmal tahay, oo lagu soo furay, ay candhuuftooda dib u liqi doonaan.

Haddii waagii beryayna, kolkii ay tukadeen ayay Jinaw iyo Dhudi raro-samayntii bilaabeen. Jinaw waa salaad sax, oo odaygeeedii ayaa baray sida loo tukado, iyo dhawr suuradood oo qur’aanka ah, oo faataxadu ka mid tahay, intii aan ingiriis u qaadin ardal-sawaaxil. Iyaduna, wixii alle ka haleelsiiyay ayay u gudbisay Dhudi. Markii qorraxdu soo baxday, oo ay quraacdeen, ayaa waxaa si lama filaan ah ugu yimi, labadii nin ee shalay soo kexeeyay Dhudi! Waa Cige iyo Daahir. Garatay Jinaw, in nimankani aanay la socon cayaayir, iyana ma dhayalsane waxay soo furtay dermo darfoolay ah oo ay martida u dhigto, kolkaasay ugu fidisay hadh-subaxeedka geedka maraaga ah ee ay hararrada iyo aloollada ku hoos samaysato, ee qol-qolkeeda ku yaalla. Dhudi, iyadu markii nimanku soo muuqdeen, ayay guriga dib u gashay. Kolkii nimankii fadhiisteen, ayay Jinaw u tagtay oo ku tidhi “Dhega! Waar miyaydaan xalay seexan? Shaqadiise, yaa uga timaaddeen?” Daahir ayaa yidhi “Horta xalay anigu waa seexdaye, waxaan u malaynayaa in Cige aanu seexan” “Ta shaqadana, anigaa ku noqonayee, Cige ayaan soo dhoweeyay” ayuu u raaciyay. Kolkaasu yidhi, waa idinkaa!

Jinaw, waxaa ay Cige u dedejisay su’aalo, aad mooddo in ay meel ugu sii qornaayeen. Haybtiisa, halka uu ka yimi, haween hore inuu leeyahay iyo in aanu lahayn. Cigena, si daacadnimo leh ayuu ugu jawaabay. Weliba wuxuu u sheegay, in uu og-yahay in Dhudi ay tahay carmal. Laakiin uu carmalnimada ku jecel yahay, oo ku doonayo. Isaguna uu yahay doob, aan hore “qabbiltu” u odhan. Jinaw waa ku qanacday jawaabaha Cige, kolkaasay u yeedhay Dhudi, in ay timaaddo geedka. Dhudi, oo ilaa xalay, talada dhagax-rogaysay, oo arrinteedu u go’an tahay ayaa iyadoo hagoogan oo xishoonaysa ka soo baxday gurigii. Jinaw, ayaa ay soo ag-fadhiisatay, iyadoo xishood aawadii dhididsan, oo dhulka eegaysa. “Waa la idin salaamay” Cige ayaa mar kale nabdaadiyay Dhudi. Iyana waxay ugu jawaabtay “waa lagaa qaaday”. Haddii intaa la is-yidhi, ayay Jinaw hadalkii qaadatay oo tidhi “Ninyohow waxaan filayaa, in sidii aad shalay sheegtay, aan markhaati uun idiin kala noqone, warkii aad ii sheegtay u sheeg Dhudi”. Cige, oo la ash-qaraarsan quruxda iyo xishoodka Dhudi, ayaa warkiisii dabada ka galay, hadal-na wuxuu ku soo af-meeray, in uu doonayo, in uu Dhudi guursado, oo ay ooridiisa noqoto. Weliba wuxuu ka codsaday Dhudi, in aanay ku diidin reerkaa xalaasha ah ee uu doonayo in uu yag-leelo, oo ay la dhisto. Intii aanay Dhudi jawaabin, ayay Jinaw hadalkii qaadatay oo Dhudi ku tidhi “eeddo hadalka lagu yidhi, qiimihiisa waad aragtaa wax ka dheh”. Dhudi, oo wadnaheedu ku dhaw yahay, inuu feedhaha soo dhaafo, ayaa hadalkeedii oo xabeeb aanay isku ogayn yeeshay, ku tidhi “eeddo galabta ayaan hadalkaa, ka jawaab celinayaa, haddii alle idmo”

Cige ayaa yidhi “Dhudiyey, inaadeer galabtu waa igu fog-tahay. Dawladda ingiriis in ay maanta meel kale noo rari , allaa og”. “Galabta waxaan jeclaan lahaa, in aan wadaadkaa kuu geeyo, oo aan anigu bixiyo shaadaliga lagu cabbayo meherkaaga, oo dumar meher baa xidhee, aad iiga duwan tahay kuwa kale” ayuu si kal-furnaan ah u yidhi.

La Soco

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland