Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Masuuliyiinta Waaxda Farsamada iyo Tababarka Bulshada oo Kormeer Qiimeyn ah Ku Soo Sameeyay Nidaamka Dab-demiska Ee Xafiisyada Madaxtooyad

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo masuuliyiinta waaxda farsamada, Tababarada iyo Wacyigelinta Bulshada ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay maanta xarunta madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland ee Caasimada Magaalada Hargeysa.

Kormeer kan shaqo ayaa ujeedadiisu daarranayd qiimeyn rasmi ah oo ku saabsan nidaamka dab-demiska ama dab-demiyaasha ee xafiisyada madaxtooyda sidii loogu samayn lahaa dayactir sidoo kalena loo gelin lahaa dhamaan dhismayaasha kala duwan ee ay ka koobantahay qaybaha madaxtooyada.

Qiimeyntan oo qaadatay hal maalin ayaa waxaa halkaa masuuliyiintu ku soo mareen dhamaan xafiisyada iyo dhismayaasha kala duwan ee madaxtooyada taasoo dhamaan xafiis xafiis kormeer ugu soo sameeyeen masuuliyiinta ciidanka dab-demiska Somaliland.

Ugu horayna waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta kala duwan ee Madaxtooyada oo Qorshahan masuuliyiinta ciidanka dab-demiska iyo madaxtooyadu ku hawlanaayeen, waxaana ugu dambayn masuuliyiintu soo dhameeyeen kormeerkaa.

Hawshan Qiimeynta ayaa noqon doonta qorshe Qaran oo ballaadhan,taasi oo qiimeyn dhanka nidaamka dab-demiska lagu samayn doono xafiisyada iyo haayada dawlada iyo sidoo kale dhamaan goobaha ganacsi iyo shirkadaha gaar ka loo leeyahay. Qorshahan Qaran ayaa marka qiimeynta la dhamaystiro la daahfuri doonaa kaasoo ka hirgeli doona dhamaan Goobaha Muhiimka ee Dawlada iyo Haayada Gaarka loo leeyahay.

Dhanka kale waxaa iyadana wacyigelin ballaadhan loo samayn doonaa shacbi weynaha kala duwan ee Ku Dhaqan Jamhuuriyada Somaliland iyadoo si gaara muhiimada loo saari doono goobaha bulshadu iskugu timaado, Jaamacadaha dalka iyo guud ahaan goobaha kale ee muhiimka ah.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweyanaha

Ciidanka Dab-demiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland