Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa kormeer shaqo ku tagey Magaalada Berbera.

Taliyaha ayaa ugu horayn kulan la qaatay Maamulka Gobolka oo ay ugu horeeyaan Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayarka Magaalada Berbera, Maareyaha Dekeda Berbera, Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera iyo masuuliyiin ka socday Dp world, Oomaar,Dost,Somgas iyo Shirkadaha Laydhka.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo samayn lahaa qiimeyn iyo ka hortaga aafada dabka, maadaama magaalada Berbera ay tahay magaalo ganacsiyeed muhiima ayna ku yaalaan goobo waaweyn oo halis u ah dabka, waxaa lagaga dooday sidii loo samayn lahaa ka hortag iyadoo la samaynayo qiimeyn saxa.

Taliyaha ciidanka Dabdemiska oo ay wehelinayaan saraakiisha ciidanka Dabdemisku ayaa soo kormeeray qaybaha kala duwan ee dekeda,haamaha,hangarada iyo Dab-demiska.

Ugu dambayna waxaa laysla qaatay in la sameeyo isku xidh ka dhaxeeya daneeyaasha taasoo si isku mida loogu soo gurmanayo hadba goobta wax ka dhacaan iyo in qiimeyntaas kadib la sameeyo agabka ku haboon ee ka hortagga.