Ingiriiska ayaa waxa uu gudo galay maalmo kale oo si lama filaan ah ay siyaasaddu isu badashay kadib markii shalay ay loolanka xisbiga conservative-ka ee talada haya ay ka hadhay wasiirka tamarta Ingiriisku Andrea Leadsom.
Arrintan ayaa horseeday in Theresa May oo ah Wasiirka Arrimaha Guddaha ay ku guulaysato qabashada xilka Raโiisul Wasaaranimo oo barri galinka danbe ay si rasmi ah ula wareegi doonto.
Terresa May oo noqonaysa Raysal-wasaarihii labaad ee dumar ah ee dalka Ingiriiska soo mara ayaa soo dhoweysay in ay dalkan sii hoggaamiso oo ay ka miro- dhaliso goโaankii ay kaga baxeen Midowga Yurub bishii hore. Iyadoo arrimahaas ka hadlaysana waxay tidhi:
โWaxaa sharaf ii ah in xisbigu ay ii doorteen in aan hoggaamiyo, waxaana jecel ahay in aan uga mahadnaqo musharixii kale ee Leadsom iyo sharafta ay muujisay maanta, waxaan kale oo uga mahadnaqayaa David Cameron hogaamintiisii dalka.โ
Terresa May ayaa balan qaaday in ay u istaagi doonto midaynta dadweynaha Ingiriiska kadib aftidii dalka ka dhacday bishii aynu soo dhaafnay.
Waxaana ay sheegtay in ka bixistii Ingiriiska ee Midowga Yurub aan laga noqon doonin, lagana dhigi doono mid laga gun-gaadho, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:
โWaxaan u baahan ahay aragti fayow oo xoog badan oo ka howlgasha mustaqbalka dalkan iyo himilooyin ay cid kasta iska dhex arki karto oo aan cid gaar ah fursad ugu jirin. Sababtoo ah waxaan doonaynaa in dadka ay noloshooda iyaga maamushaan.โ
Raโiisul Wasaare Cameron oo bilaabay in uu boorsooyinkiisa ka xidhxidhto qasriga 10 downing street ee dalkan looga arrimiyo ayaa sheegay in uu xilka wareejinayo, lana shaqaynayo Raysal-wasaaraha cusub isagoo ku amaanay Teresa May kartida hoggaamineed iyo sida dalkan ay ugu jihayn karto dariiqa saxan isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โWaxaan ku faraxsanahay in Theresa May ay noqon doonto Raysal-wasaaraha dalka. Waa qof adag, oo awood u leh shaqada, waxaa ay suuragalinkartaa hogaaminta uu dalkeenu u baahan yahay sanadaha soo socdaโฆanigu si buuxda ayaan u taageerayaaโฆ isbadalkan dhacay aawadiis looma baahna in xil wareejintu ay nagu dheeraatoโฆ. Waxaan yeelan doonaa Raโiisul Wasaare cusub oo Aqalkan iga dambeeya ku wareegi doono galinka dambe ee arbacada.โ
Cameron ayaa markii uu galinkii dambe shalay soo gunaanaday shirkiisii jaraaโid ee uu sii galay qasriga uu ka guurayo la maqlay isagoo heesayaโฆ.waxaana loo fasirtay in uu ula jeedo halkaasi haโiiga ekaato shaqadii aan soo hayey.
Taariikhda May:
- Daโdeedu waa 59 sano jir.
- Waxa ay ahayd mudane baarlamaan 19 sannadood.
- Wasiirka Arrimaha Gudaha (2010 ilaa xiligan)
- Waxay ku dhalatay Deegaanka Eastbourne ee dhaca galbeedka Sussex ee xeebta koonfureed ee gobolka England.
- Waxaa ay maadada juqraafiga ka baratay jaamacadda Oxford University.
- Waxaa kale oo ay La-taliye dhaqaale kasoo noqotay Bangiga England.
- Waxaa qaba Philip May oo dhaqaalyahan ah, caruurna isuma dhalin.
Margaret Thacher ayaa ahayd haweenaydii ugu horaysay ee dalkan Raโiiusl Wasaare ka noqota intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990.
Si kastaba ha ahaatee xisbiyada mucaaradka ee dalka ee kale ee ah Labour iyo liberal democrat ayaa iyaguna ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho guud oo waqtigeeda laga soo horumariyo maadaama aysan jirin cid la tartantay Terresa May isla mar ahaantaana aysan ku iman xukunka doorasho dadweyne.
Maalinta beri ayaa David Cameron xilka ku wareejin doonaa Terres May.